Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: 10 bil kadib ma jiraa agaasime Wasaaradeed oo tartan ku yimid ?

Recommended Posts

Deeq A.   
Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in tartan loo gali doono, xilka agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.
Agaasinka wasaaradda waa shaqsigga fuliya howlaha iyo siyaasadda wasaaradda oo  ay dajiyaan wasiirka, ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha isaga oo kaashanaya shaqaalaha wasaaradda.
14 October ee sanadkii tagay ayaa ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu magacaabay guddi ka koban 11 xubnood oo la soconayo tartan loo galayo xilalka 26 agaasime guud ee wasaaradaha xukuumadda.
Waxaa guddigaasi Madax looga dhigay Mahdi Maxamed Guuleed Qatar, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna ka koobnaayeen shan wasiir iyo shan xubnood oo ka socday ururada bulshada Rayidka iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka.
In xiligaasi lagu dhawaaqo tartan u gelidda xilalka agaasimayaasha ayaa timid kadib heshiis dhex maray Bank adduunka iyo dowladda Somalia, sida xogta aan ku helnay, waxaana la doonayay inay agaasimayaasha ku yimaadaan tartan daah furan.
Guddiga oo magacaaban muddo ku dhow 10 bilood ayaanan ilaa iyo hadda qaban wax shaqo ah, lamana hayo hal agaasime oo tartan u galay wasaaraddaha xukuumadda kuna guuleystay.

Maxaa isbadalay ?

Sida ilo xog ah inoo xaqiijiyeen Asad Yuusuf Afrax, oo ahaa la taliyaha wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, Magacaabistan waxaa soo jeedinteeda lahaa wasiirka qorsheynta, waxaana lagu wargeliyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, inkastoo aan si cad loo shaacin, haddana xubno ka tirsan xafiiska wasaaradda qorsheynta ayaa inoo xaqiijiyay.

Taasi wey ka duwan tahay tartankii Ra’iisul wasaare Kheyre uu u magacaabay guddi ka kooban 11 xubnood.

Magacaabista shaqsiyaadka ee xilalka dowladda, ayaa ku saleysan nidaamka awood qeybsiga Beelaha, laakiin xulashada shaqsiga xilka loo magacaabayo ayaa ku imaan kara aqoon gaar ahaaneed oo loo leeyahay, haddii aan loo tartamin.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in la qorsheynay in si farsameysan loo magacaabo agaasimayaasha wasaaradaha, waxaana hadda la filayaa in todobaadyada soo socdo la magacaabo afar agaasimayaal haddii aysan wax is badalin.

Magacaabidda xilalka agaasimayaasha ayaa gabi ahaanba meesha ka saari doonto hamigii laga lahaa in tartan loo galo xilalka agaasimayaasha wasaaraddaha.

Arrinta kale ee meesha ka saareyso tartanka wasaaradaha ayaa ah in shaqsi Si KMG ah loogu magacaabo xilka agaasimaha wasaaradda, kadibna isaga uu kusii shaqeeyo muddo sanado ah xilka loogu dhiibay Sida KMG ah, kadibna isaga la magacaabo.

W/D Mohamed Isse Mohamud
mcmaxamuud1@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this