Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo go’aan lama filaan ah ka qaadatay Wasiiro ka tirsanaa maamulka DDSI oo u xirnaa (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Wasiiro ka tirsanaa maamulkii hore ee DDSI kuwaa oo muddo asbuuca u xirnaa maamulka Somaliland.

Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu sii daayey laba wasiir oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee DDSI.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen uu yahay in lasii daayo labada Wasiir.

Waxa uu Mr Maxamed Kaahin Axmed, tilmaamay in go’aankaasi ay qaaten saacadihii ugu danbeyay waxaana sidaa dib xoriyadooda loogu siiyay Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda oo maanta la sii daayey.

Labada wasiir waxaa laga qabtay garoonka dayaaradaha ee Hargaysa, 21kii bishan Agoosto, ayagoo doonayey inay halkaa ka dhoofaan.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada maamulkii dhacay ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa inay xadgudubyo gaysteen, inkastoo aysan jirin cid weli eedahaas maxkamad loo soo taagay.

Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa isla maanta dowlada Ethiopia ku wareejisay gaadiid lagala soo baxsaday maamulka DDSI kuwaa oo tiradoodu dhan tahay 12 baabuur oo kala duwan, Waxaana lagu soo kala qabtay Gobolada Togdheer, Awdal, Gabilay iyo Maroodi-jeex.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this