Deeq A. Posted August 26, 2018 Hargeysa ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta shaaciyay in ay dib xuriyadooda u heleen laba wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Ibraahim Aadan Mahad Ibraahim Sacad Wasiirkii Waxbarashada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Cabdi Jamaal Axmed Qaloombi oo ahaa Wasiirkii Cadaaladda ee Ismaamulkaasi ayaa 21-kii bishan lagu xiray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland. S/land ayaa mas’uuliyiintaasi ku eedeysay in ay si sharci daro ah ku soo galeen, ugana dhoofayeen Garoonka diyaardaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Balse Soomaaliland ma cadeyn sababaha rasmiga ee ka dambeeyay sii deynta Wasiiradaasi. The post S/land Oo sii deysay wasiiro ka tirsanaa maamulkii DDSI appeared first on Shabelle. View the full article Quote Share this post Link to post Share on other sites