Sign in to follow this  
Deeq A.

Xadi dhaqaale intee la’eg ayey DFS bil waliba ku bixineysa la kulanka Donald Trump (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dadaal ay Dowlada Somalia ku bixineyso sida ay ula kulmi laheyd Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Dowlada ayaa la kulanka Trump u mareysa shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo (Sonoran Policy Group SPG).

Dowlada Somalia ayaa shirkadaasi siin doonta lacag dhan (400,000 Afar boqol oo kun oo dollar) taa oo socon doonta muddo afar bilood ah, sida uu qoraayo heshiiska ay DFS la gashay shirkada.

Shirkadan ayaa la xaqiijiyay in bil waliba ay dowlada Somalia ka qaadan doonto Boqol kun oo dollar, sida heshiiska ku cad.

Qoraal ay shirkadan u gudbisay dowlada Mareykanka ayaa waxa ay ku sheegtay in dowlada Somali ay ka caawin doonto dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin sidii loo abaabuli lahaa safar uu Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku tago dalka Mareykanka si uu ula kulmo Donald Trump.

Shirkadan waxa ay sidoo kale dowlada Somalia ka caawin doontaa sida Somalia looga qaadi lahaa xayiraada Socdaalka ee Mareykanku saaray muwaadiniinta Soomaalida.

Dadaalka ugu xoogan ayaa waxa uu ka socdaa dhanka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo aan isagu wali la kulmin dhigiisa Mareykanka Trump.

Farmaajo oo dhowr jeer isku dayay inuu la kulmo Trump ayaan u suuragalin la kulankiisa, waana sababta ugu weyn ee xiligan Somalia ku khasbeysa in dhaqaale xadigaa la’eg ay ku bixiso la kulanka Trump.

Sidoo kale, Dowlada Somalia oo qudheeda u baahan caawinaad ayaa waxaa lagu dhaliilay in dhaqaale intaa la’eg ay ku bixiso aragtida Trump si ay ugala hadasho arrimaha Somalia uga xiran Mareykanka, taa oo loo maraayo shirkada laga leeyahay dalkaasi.

Waxaa suuragal ah in dowlada Somalia oo loo qabtay muddo 4 bil inay ku guul dareysato qorshooyinka ay u bixisay dhaqaalaha iyo rajadii laga lahaa la kulanka Trump.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa culeys lixaad leh saareysa inay ka salgaarto heshiiska Shirkada ee ku aadan hirgalinta qodobada Heshiiska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this