Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Ahmed “Tallaabo ayaa laga qaadayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta dalka Itoobiya ka howlgasha ayaa ka hadlay arimo dhowr ah.

Abiy ayaa ka hadlay arimo ay kamid tahay ururadii ay Itoobiyo la heshiisay iyo hub ka dhigistooda, afka sharciga ah ee looga hadli doono Itoobiya waxa laga yeelayo Madaxweynihii hore ee DDSI iyo caafimaad daro la sheegay in ay la soo daristay.

Ugu horeyn Abiy oo ka hadlay waxa laga yeelayo ururada ay Dowlada Itoobiya heshiiska la gashay oo ay ONLF kamid tahay ayaa sheegay in hubka laga dhigo doono hay’ad qaas ahna loo sameeyn doono.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay luuqada dalka looga hadli doono isaga oo sheegay in luuqadaha maxaliga ah muhiimad la siin doono si loo dhiiragaliyo jiilalka cusub.

Arinta ugu xasaasisan ee wariyaashu ay wax ka weeydiiyeen Ra’iisul wasaare Abiy ayaa aheyd waxa laga yeelayo Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ku xiran xabsi ku yaala Addis Ababa ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar tilaabo laga qaadi doono isaga iyo maamulkii la shaqeeynayay.

” Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinti dhibaatada gaystay”

Isaga oo sii hadlayo ayuu ku hanjabay in Cabdi Maxamuud Cumar iyo maamulkiisa ay tilaabo laga qaadi doono inkastoo aanu sheegin nooca ay noqoneyso tilabadaasi

“Tallaabo ayaa laga qaadayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa” ayuu yiri Ra’iisu lwasaare Abiy.

Ugu dambeyntii Abiy ayaa wax laga weydiiyay wararka sheegaya in caabuq dhanka wadnaha ah uu soo wajahay Ra’iisul wasaaraha waxaana uu arintaasi ka yiri “Aniga maba ihi dadka isticmaala daawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo isboorti”

Itoobiya ayaa gashay marxalad cusub tan iyo markii Dr Abiy Ahmed uu noqday Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

 

The post Abiy Ahmed “Tallaabo ayaa laga qaadayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this