Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo kasoo cusboonaday Wasiirada baxsadka ka ah maamulka DDSI ee ku jira gacanta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa weli gacanta laamaha amaanka maamulka Somaliland ku jira laba Wasiir oo kasoo goostay maamulka DDSI kuwaa oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiiradan oo laba ah ayaa xiliga gacanta lagu dhigaayay safar u ahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana lasoo sheegayaa inay lasoo baxsadeen dhaqaale xoogan.

Wasiiradan oo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweynihii is casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Garoonka magaalada Hargeysa xili ay wateen lacag xoogan oo ay kala soo baxsadeen magaalada Jigjiga.

Wasiirada baxsadka ahaa ee gacanta lagu dhigay ayaa kala ahaa Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdi Jaamac oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho ah.

Mid kamid ah Saraakiisha gacanta ku heysa Wasiirada oo aan xiriir dhanka Teleefanka ah la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in maamulka uusan wali go’aan cad ka gaarin labada Wasiir oo wali ku jira gacantooda.

Waxa uu sheegay in lagu hayo baaritaan maadaama lagu qabtay dhaqaale ay kala soo baxsadeen maamulka DDSI.

Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland oo sidoo kale ka hadashay labada Wasiir ee ku jira gacantooda ayaa sheegtay in wali ay ku hayaan baaritaan ku aadan sababaha ku kalifay in sifo sharci darro ah kusoo galaan deegaanada maamulka.

Wasaaradu waxa ay tilmaantay in khaladka ugu weyn ee loo heysto ay tahay inaysan wada dal ku gal, sidaa aawgeed ay gacanta kusii heyn doonaan.

Sidoo kale, waxa ay Somaliland sheegtay inaanu cadeyn go’aanka laga qaadan doono Wasiirada, hase yeeshee ay marin doonaan wixii sharci ah.

Dhinaca kale, maamulka DDSI ayaan weli ka hadal Wasiirada baxsadka ah ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana suuragal ah in lagu wareejiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this