Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Abiy Axmed oo si adag ugu hanjabay Madaxweynihii hore ee DDSI (Muxuu yiri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo la hadlaayay saxaafada dalkiisa ayaa ka hadlay arrimo dhowra oo ku aadan xariga Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar.

Abiy Axmed oo arrinta Cabdi Cumar ka hadlaayay ayaa sheegay in dowladiisa ay wado qorsho adag oo talaabo looga qaadi doono Madaxweynihii hore  oo ku eedeysan inuu geystay tacadiyo kala duwan.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed waxa uu tilmaamay in Madaxweynihii hore ee DDSI iyo mamulkiisii hore ay geesteen dhibaatooyin badan, islamarkaana ay dowladda qorsheysay in Cabdi Maxamuud Cumar iyo Kooxdiisa laga qaado tilaabo waxgal ah oo looga samri karo dhibkii dhacay.

“Dowladu waxa ay kula xisaabtami doonta waxa danbiyo ah ee uu geestay, wadankaan waxa uu leeyahay sharci isaga ayaana lamarin doonaa”

Abiy Axmed, waxa uu tilmaamay in dalka ay ka jirto dowlad isla markaana ay muhiim tahay in cid waliba lagula xisaabtamo waxa uu geysto, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, mar wax laga weyddiyay Abiy Axmed, waxaa laga yeelayo mustaqbalka madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar marka laga soo tago la xisaabtanka ayaa waxa uu sheegay in arrintiisa ay u taallo sharciga iyo caddaalada dalka Ethiopia, balse waxa uu ku goodiyay in Cabdi cumar uu dhadhamin doono ciqaabta waxa uu geystay.

Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinti dhibaatada gaystay”

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Dowladda Ethiopia ay  horraantii Bishaan xoog xilka uga qaaday Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana la sheegay in uu xabsi guri ku yahay Magaalada Addis Ababa.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this