Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dab iyo bansiin qabadsiisay shirkad Koronto & Motooradii lagu shaqeynaayay (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ay gubeen Shirkad Koronto oo ku taala Xadka kala qaybiya Gobolada Lamu iyo Tana Riva ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in dagaalyahaano ka tirsan  ay weerareen Xarunta Shirkadan Korontada isla markaana ay dab qabadsiiyen gabi ahaan hantidii tiilay shirkada.

Shirkada la gubay ayaa inta badan koronto siin jirtay inta badan Magaalooyinka ka tirsan lamu iyo Tana Riva ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana iminka koronto la’aan ah deegaanadaasi.

Maleeshiyada waxa ay sheegtay inay dib uga soo baxeen shirkada iyo goobaha ay weerarka ku qaaden, sida ay sheegen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo u waramaayay Warbaahinta Andalus.

Maleeshiyadu waxa ay intaa raacisay in mudadii ay halkaa ku sugnaayen aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa kordhisay   weerarada tooska ah oo ay ku qaadayaan Xarumaha iyo Gaadiidka dowlada Kenya, waxaana lasoo sheegayaa in gubista Shirkadaasi ay tahay mid loogu aar gudaayay Hormuud oo dhawaan ay Kenya ka burburisay xarun shirkadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this