Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa DF ku qasba xil ka qaadista taliska ciidanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ku degdegto xil ka qaadista iyo magacaabida Taliyayaasha ciidamada Xoogga.

Dowlada ayaa inta badan tan iyo markii la doortay si isdabajooga xilalka uga xayuubisay Taliyayaal khibrad fog u xilka, halka qaar cusubna ay siisay ahmiyada.

Taliyayaasha qaar ee xilka laga qaaday ayaa waxaa ku jiray kuwo lasoo shaqeynaayay dowladii Dhexe ee Somalia kuwaa oo loo aqoonsaday inay leeyihiin khibrado ciidan, hase yeeshee kuma aysan waarin xilka.

Taliyayaasha ku wanaagsan xaga ciidanka ayaa waxaa laga hoos magacaaba kuwo aan ehel u aheyn howlaha ciidan, taa oo lagu sheegay sababta koowaad ee fashilka Militery ee heysta dowlada.

Muddo laga joogo Sanad iyo bar ayey dowlada hadda jirta ku magacawday Taliyayaal dhowr ah kuwaa oo ay ka dhexmuuqden Taliyayaal lagu taxay darajo ciidan balse aan laheyn khibrad ciidan oo hubaal ah.

Taliyayaasha qaar ayaa waxaa saaciday nidaamka ay Somalia qaadatay ee 4.5, taa oo la rumeysan yahay in Somalia ay kusii hogaamineyso boholo mugdi ah.

Inta badan Taliyayaasha soo mara Taliska Militeriga Somalia ayaan xilka hayin waxkabadan Sanad, waxa ayna xilkooda kuwaayan arrimo la xiriira musuq.

Xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa asbuucii tagay loo magacaabay Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo xilkaasi muddo badan soo qabtay isagoo horay ula soo shaqeeyay dowladihii hore ee dalka soo maray, wallow lagu eedeeyo in dhibaatooyin hore uu u geestay Saraakiil ka tirsanaa Taliska.

TCXD-696x522.jpg

Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Magacyada iyo taariikhihii ay xilka taliyaha Ciidanka hayeen taliyayaasha soo maray Taliska ciidanka Xoogga dalka waxaana ugu horreeya.

1-Daa’uud Cabdulle Xiris 1960-1965tii

2-Maxamed Siyaad Barre 1995-1969kii

3-Maxamed Cali Samatar 1969kii -1986dii

4-Cumar Xaaji Masaale 1981 -1982dii

5-Aadan Cabudllahi N.Gabyow 1987 -1988

6-Maslax Maxamed Siyaad 1988 -1990kii

7-Maxamed Xirsi Moorgan 1990 -1991dii

8-Ismaciil Qaasin Naaji 2000 -2002dii

9-Cabdi Axmed Guuleed 2002 – 2003dii

10-Cabdullahi Cali Cumar 2003 -2004tii

11-Saalax Xasan Jaamac 2004 – 2005tii

12-Siciid Dheere Maxamed 2007-2008ddii

13-Yuusuf Xuseen Dhuumaal 2008- 2009

14-Maxamed Geelle Kaahiye 2009-2010

15-Axmed Jimcaale Cirfiid 2010-2011

16-C/Qaadir Sh.Cali Diini 2012-2013

17-Daahir Aadan Cilmi 2013 -2015

18-Maxamed Aadan Axmed 2015

19-Axmed Jimcaale Cirfiid 2017

20-C/Wali Jaamac Gorod 2017-2018

Geesta kale,Dowlada Somalia ee hadda jirta ayaa wali xil ka qaadis iyo magacaabis ka dhexwada Taliska ciidamada Xooga xili ay Gobolada dalka kusii xoogeysanayaan Al-Shabaab, halka dowladuna ay ku mashquulsan tahay xilal magacaabis iyo ka qaadis Taliyayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this