Deeq A. Posted August 24, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Sida la filayo ama ay Puntlad iclaamisay waxaa maalmaha soo socda dhiillo colaadeed ay ka curan doontaa gobolka Sool oo ay in muddo ah isku horfadhiyeen maalisheed ka kala amar qaata lamada maamul ee Puntand iyo Somaliland. Dagaalkan oo bilowday bishii Janaayo ee sanadkan waxa ay Somaliland ku qabsatay kastamka Tukaraq oo dakhli badan uga soo xoraan jiray Puntland alse ujeedkiisu ahaa carqaladeyn safarkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagay Puntland. Hase ahaatee, waxa uu Puntland, gaar ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, u dhaliyey fursad iyo mashruuc ku soo aaday waqtigii ugu haboonnaa. Hadaba, dhawr mar oo ay foodda isku galiyeen jiiddahaas, ma jirin cid guulo la keentay oo aan ka ahayn barakicinta dadka deegaanka iyo dhimasho iyo dhaawac wax dhaafsiisan. Beesha caalamka ayaa isku dayday in ay dhex dhexaadiso balse kuma guuleysan. Maxaa hadda dib u soo celiyey oo aynu ka baran karnaa? Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu hadda u arkaa fursad dahabi ah maadama dhawr bilood ay ka harsan tahay doorashada maamulkiisa, isaga oo taas ka duulaya waxa uu doonayaa in uu ka faa’iideysto oo uu dagaal galiyo maamulka si ay meesha uga baxdo qaban qaabada doorashada sidaasna xilka ku sii dheereysto. Sidoo kale, waxaa soo dedejisay ku dhawaaqisya dagaalka, go’aankii baarlamanka Puntland ee ay ku caddeeyeen in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites