Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo xiriirkii Jabuuti ku badalatay macaamilka dalka Eritrea (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Qofna uma baahna in loo sharaxo waxa ka dhaxeeya Somalia iyo Jabuuti, laakiin dowlada hada ka jirta Somalia waxa ay bilaawday iney lumiso gacanta koowaad ee Soomaalidda ama si kale markii la yiraahdo walaalihi iyo saaxiibadii ugu dhowaa ee Somalia.

Waxaa aad loola yaabay safarkii uu wasiirka arrimaha dibada Eritrea ku yimmid Muqdisho iyadoo la xasuusto caradii ka dhalatay hadalkii madaxweyne Farmaajo ku dalbaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Eritrea. Labada wadan ee Jabuuti iyo Eritrea wax xiriir ah kama dhaxeyaan waxaana ay Asmara xoog ku heysata dhul ay leedahay Jabuuti.

Safarkii uu wasiirka arrimaha dibada Eritrea ku yimid Xamar waxaa lo fasiray in lagu xoojinayay xiriirka labada dal iyo heshiisyadii labada madaxweyne.

Safarkaan wuxuu imaaday iyadoo aaney Dowlada Somalia weli waxba ka dhihin carada iyo tabashada kasoo yeertay Jabuuti.

Dadka aadka u darsaya arrintaan waxey lee yihiin Somalia waxa ay iska indho tireysa qiimaha iyo waxa kala dhaxeeya Jabuuti iyadoo isku sii maqiiqeysa meel aaney aqoonin waxa gudaheeda ku jira. Jabuuti ciidamo ka socda ayaa ku sugan Somalia.

Qar iska tuurnimo siyaasadeed ayaa lagu micneyn kara fikirka ay Somalia ku xoojineyso xiriirka Asmara iyadoo aan xitaa u jawaabin Jabuuti oo tabasho muujisay. Eritrea waxaa lagu eedeya iney tageerto xoogaga ka dagaalama Somalia.

Xiisada ayaa kor aadi karta hadii sida la filaayo uu dhowaan Muqdisho yimado madaxweynaha Eritrea. Waxaa muuqata in Jabuuti iyo Somalia ay sii kala tagayaan inkastoo shacabka Soomaalida iyo madaxda mucaaradku ay kasoo horjeesteen in Jabuuti la lumiyo iyadoo la raadinaayo xiriirka wadan aan la aqoonin waxa laga keeni doono.

Siyaasiyiinta qaar waxa ay qabaan in arrintaan ay reer Galbeedku wax ka ogyihiin madaama ay Jabuuti u weecatay dhanka China.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this