Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya:- Abiy oo markale ka hadlay saamiga shidaalka ee deegaanka Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_15350202346473124.jpg?resize=600%Abiy oo ay hareer fadhiyaan Madaxweynaha iyo Guddoomiya xisbiga Soomaalida Itoobiya
Ra’iusul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan ku la qaatay in ka badan 700 oo qof oo ka soo jeeda deegaanada Soomaalida Itoobiya.

Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee kulankaas ka qeyb galay ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin dhibaatooyinka ka dhaca deegaanadaas oo ay kamid yihiin xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, waxayna Ra’iisul wasaare Abiy ka codsadeen in ay xor u noqdaan masiirkood.

Ra’iusul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay hareer fadhiyeen Madaxweynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar iyo Guddoomiyaha xisbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Shide ayaa balan qaaday in maanta laga bilaabo faragalinta laga joojinayo gobolkaas, isagoo amaanay Madaxweynaha cusub oo uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in dalkiisa uu u horseedi doono horumar.

Sidoo kale Ra’iusul wasaare Abiy ayaa ka hadlay shidaalka laga soo saaray deegaankaas, wuxuuna sheegay in hadalkiisii hore ee saamiga Soomaalida 5%, ee muranka badan dhaliyay si khaldan loo fasiray, isagoo sheegay in saamigaas ay leeyihiin oo kaliya dadka deegaanka ceelku ku yaallo.

Mustafe Maxamed Cumar Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya oo maalin ka hor la doortay ayaa shalay sheegay inuu soo celinayo calankii hore ee deegaankaas calankii iyo heesta astaanta calanka oo uu horey u beddelay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda xabsi guri ku jira.

PUNTLAND POST

The post Itoobiya:- Abiy oo markale ka hadlay saamiga shidaalka ee deegaanka Soomaalida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this