Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay xeerar cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu ansixiyay laba xeer kala ah; xeerka macdanta & shidaalka iyo xeerka sugidda amniga garoomada,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Xeerka macdanta iyo shidaalka oo ay soo diyaarisay hay’adda macdanta iyo shidaalka dowladda Puntland,ayaa qeexaya is-waafajinta maalgeshiga iyo shuruucda dalka,ilaalinta degaanka iyo ka faa’idaysiga khayraadka dihin ee ku duugan degaannada Puntland,sida ku cad war-saxaafadeedka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xeerka sugidda amniga garoomada oo ay soo diyaarisay wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada dowladda Puntland uu dhiirri-gelinayo hagaajinta adeegyada garoomada diyaaradaha Puntland.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

GOOLEEHEE.jpg?resize=724%2C1024&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay xeerar cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this