Deeq A. Posted August 23, 2018 Ciidamada Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay wasiiro kamid ahaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar kuwaa oo laamaha amaanka ay sheegeen iney si dhuumaaleysi ahaa kusoo galeen Soomaaliland doonayayna iney kasii baxsadaan. Wasiirada xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar ee lagu qabtay hargeysa ayaa kala ah wasiirka caddaaladda Cabdi Jaamac iyo Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ibraahim Aadan Mahad oo dhanka xuduudka Wajaale kaga gudbay si qarsoodi ah, balse laamaha amaanka Soomaaliland ayaa sheegay in labada Masuul gacanta lagu dhigay iyaga oo doonayay iney gaaraan caasimada Soomaaliya. Laamaha amaanka Soomaaliland ayaa dhanka kale sheegay labada wasiir iney sheegteen iney yihiin ganacsato kasoo cararay kacdoonkii Magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed. Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii maamulka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar oo sanado xukumayay Maamulkaas, Islamarkaasina Ciidamo badan oo ka socdo Itoobiya ay la wareegeen Jig Jiga. Shalay ayaa Mustafe Cagjar ayaa Loo magacaabay Madaxweynaha Cusub ee DDSI. Mustaf ayaa la soo shaqeeyay Hay’addaha QM, gaar ahaan Hay’adda OCHA,wuxuuna kamid ahaa mucaaradka madaxweynihii Hore. PUNTLAND POST The post Wasiiro katirsanaa Maamulka DDSI oo lagu xiray Hargeysa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites