Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog iyo Gorfeyn: Culeys intee la’eg ayaa  Madaxda maamul Goboleedyada ka heysta doorashooyinka ay gelayaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa heysta Culeys Siyaasadeed oo ugu imaanaya Doorashada ka dhaceyso Deegaanada inta badan Maamul Goboleedyada.

Doorashada ugu dhow ayaa ka dhaceysa deegaanada Koofur Galbeed bisha November ee sanadkaan, waxaana soconaya abaabul iyo xod-xodasho siyaasadeed oo ay kala wadaan xubnaha la tartamaya Madaxweyne Shariif Xasan iyo isla madaxweynaha Qudhiisa.

Puntland ayaa la filayaa in Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ay ka dhacdo Desember 2018 illaa iyo Janayo 2019 oo lagu soo gaba-gabeynayo.

Doorashada Xildhibaanada ayaa dhaceysa Desember 2018, Guddoonka Baarlamaanka ayay Dooran doonaan 4-ta Janaayo 2019, iyadoona Afar Cishe kadib la dooran doono Madaxweynaha Puntland hogaamin doono Afarta Sano ee soo socota.

2019-ka waxaa la filayaa in ay Doorasho ka dhacdo Jubbaland, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wajahaya loolan ka duwan kii uu galay markii uu labo jeer uu ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Galmudug, Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la doortay 3dii May, 2017-kii ayay Xildhibaanada qaar sheegayaan in xil heyntiisa ay ku siman tahay Waqtiga ugu haray Madaxweynihii Xilkaan kaga horeeyay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la doortay 4tii July 2015-kii.

Dhanka Hir-Shabeelle Madaxweyne Waare oo ku guuleystay Doorasho dhacday September 2017-kii waxa ay Mudanayaal Mooshin sheegay in ay ka wadaan ay tilmaameen in Xil heystiisa ay ku egtahay waqtigii Madaxweyne Cosoble uu dhici lahaa,  kadibna la galayo Doorasho.

Shanta Madaxweyne Maamul Goboleed ee kala ah: Koofur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa ku ballansan 3-da bisha September ee soo socoto in ay shir isugu tagaan Magaalada Kismaayo si ay u qaataan Shirkoodii 3-aad, ahna Markoodii 2-aad oo ay Kismaayo ku kulmayaan.

Siyaasiyiinta qaar ee ku sugan Xarumaha Maamul Goboleedyada ayaa sheegaya in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ay shirkooda diiradda ku saari doonaan Arrimaha Doorashada iyo sida ay Suurto-gal ku noqon karto in ay dib ugu soo laabtaan Boosaskooda.

Waxa ay sheegayaan dadka falanqeeya Siyaasadda in Madaxda Dowlad Goboleedyada wal-walkooda ugu weyn uu yahay in aysan dhici karin in ay soo wada laabtaan iyagoo Madaxweyne ah oo ay sii hayaan Xilalkooda.

Sababta ugu weyn ee arrintaas ayaa ah in Xubno katirsan Maamul Goboleedyada qaarkood ee Doorashada Galaya ayaa ah in Ragga qaar ee la tartamaya qaarkood ay lasoo shaqeeyeen Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh, halka qaar kalena ay ku xaglinayaan in ay garab ka helayaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka qayb galaya shirka la filayo in uu ka dhaco Magaalada Kismaayo ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay kaga hadlayaan Doorashooyinka Marar is xig-xiga ka dhacaya Deegaanada ay madaxda ka yihiin.

Golaha iskaashiga ayaa Magaalada Kismaayo lagu dhisay 10-kii Oktoober 2017-kii, waxaana xiligaas jirtay Xiisad u dhaxeysay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo ka dhalatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Shirka ayaa socon doono Maalmo ka badan labadii shir ee ay yeesheen Madaxda Golaha Iskaashiga, waxaana Warqaddii Ballaminta Kulanka September lagu sheegay in Ajendaha uu soo diyaarin Doono Xog-hayaha Golaha Iskaashiga.

Waxaana si hordhac isla warqadaas lagu sheegay in Madaxda ay kaga tashan doonaan Danaha Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan qaranka.

Waxaa la isweydiinayaa haddii ay dhacdo Doorasho dhammaadka Sanadkaan 2018 iyo horaanta sanadka soo socda 2019, Culeys intee la eg ayay ku yeelan Doontaa Madaxda Dowlad Goboleedyada?

W/Q: Bashiir Maxamuud Yuusuf

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this