Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi “Somaliland marnaba diyaar uma aha inuu daato dhiig Soomaaliyeed”

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_15347654354876142.jpg?resize=600%Muuse Biixi, Maxdaweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka fal-celiyey hadallo dhawaan ay jeediyeen Guddiga difaaca Puntland, kuwaas oo ku dhaartay dagaalka ka dhaca gobolka Sool.

Muuse Biixi oo maanta khudbada munaasibadda ciidal Adxaha shacabka Hargeysa u jeediyey ayaa sheegay inaanay Somaliland marnaba maanka ku haynin dhiig daata iyo colaad la abuuro, isla markaana ay ka go’an tahay nabadda iyo deris-wanaagga.

“Haddii aynu Somaliland nahay dhammaanteen waxa aynu raacsannahay sunnaha nebiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato’e ee ah dhiigga Islaamku waa xaaraan, gudaheenna, jaarkeena iyo cid walba nabad iyo walaaltinimo ayeynu u haynaa,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in maanta Soomaali isku dhimato diiniyan iyo dadnimo midna aysan sax ahayn, wuxuuna caddeeyey inaanay Somaliland marnaba diyaar u ahayn inuu daato dhiig Soomaaliyeed.

“Maanta Soomaaliya kama aynnu filaynin oo aynu ognahay wixii Somaliland ku dhacay inaynnu nabad iyo walaaltinimo ka taagannahay oo aynu leenahay dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa Soomaali oo dhan ugu filan dadka masuuliyiinta ah ee maanta ku dhaaranaya inay Somaliland soo weerarayaan waa fal-nacuuduka billaahi, annaguna wixii na gaaray ee horena waannu qabnaa, nabadna waanu ka doonaynaa, inay maanta Soomaaliyi isku dhimatona diiniyan iyo dadnimo midna sax ma aha.” ayuu marka kale yiri Muuse Biixi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aaday iyadoo maalin ka hor uu Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Tamacade ku dhaartay dagaalka ka dhaca Sool.

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi “Somaliland marnaba diyaar uma aha inuu daato dhiig Soomaaliyeed” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this