Sign in to follow this  
Deeq A.

Sax ma tahay wadada ay Villa Somalia u martay xil ka qaadista degdega ah ee Jen. Caanood?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Abaanduulahii ciidanka xoogga dalka ayaa shaqada laga eryay isagoo ku maqan hawlgal qaran, tani waxey keentay tuhun badan oo la xiriira waxa uu xaalka ciidanka militariga ku dambeyn doono, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Waxaa la baahiyay warar sheegaya in taliye Caanood uu la gadooday ciidan wata 40 tikniko ah, ma jirto cid xaqiijin karta in arrintu gadood tahay iyo inuu baacsanaayo Al-Shabaab, laakiin sax ma tahay sidii xilka looga qaaday?.

Shabakadda Caasimadda Online waxay la xiriirtay quburo ciidan markii ay soo baxday in Caanood uu shaqadiisa waayay isagoo hawl qaran jira, waxeyna quburadaas noo sheegeen in markii la doonayo in taliye xilka laga qaado ay muhiim tahay in loo yeero oo amar lagu siiyo iney isaga iyo ciidankiisa soo xaroodaan.

Sida caadiga ah markii la rabo in qof mas’uul ah xilka laga qaado wuxuu xaq u leeyahay wargelin si la mid ah markii xilka loo magacaabayay, laakin taliska Farmaajo waxyaabaha uu soo kordhiyay waxaa ka mid ah in qofka shaqada laga eryo isagoo aan loo sheegin.

Xeel-dheerayaasha ciidanka waxey aaminsan yahiin inaan askarta iyo siyaasiyiinta isku sii loola macaamilin, waxey sheegeen inuusan dhib badan ka imaan karin marka siyaasiyiinta xilka laga qaado iyadoo aan loo sheegay balse uu culeysa amni ka imaan karo marka madaxda ciidamada xilka laga qaado iyadoo aan la wargelin, waxaa la aaminsan yahay in Caanood si aan munaasab aheyn loola macaamilay.

Muddooyinkii lasoo dhaafay wuxuu hawlgal ka waday gobolka Shabeelada Hoose, waxaana lala yaaban yahay in madaxda sare ay awoodi weysay iney u yeerto ugana mahad celiso dadaalkiisa kadibna ay u sheegaan iney xilka ka qaadeen, hadiise ay dhab tahay in Caanood iyo ciidanka ay gadood ku maqan yahiin waxey cashir u noqon doontaa Farmaajo iyo Kheyre marka ay timaado in xil laga qaado saraakiil ciidan, waxaa sidoo kale aad loo masuugsan yahay waaya-aragnimada abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this