Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo ugu danbeyntii shaacisay xiliga rasmiga ah oo ciidamadeeda ay kala baxeyso Somalia (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairob (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dhawaan ay ciidamadeeda kala bixi doonto Somalia.

Kenya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya laga billaabo Bisha July ee Sanadka soo socda.

Go’aanka la bixitaanka ciidamada ayaa dhashay kadib markii dowladda Kenya ay QM weydisatay magdhowga Askarta uga dhintay Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ee Koofurta Somalia.

Warbixin Maaliyadeed ay baahisay Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa muujineysa in Hay’ada QM ay Kenya ku wargelisay in la dhimayo qiimaha Magdhowga Askarta Kenya ee Somalia lagu dilay.

Dowlada kenya ayaa lacagta ay ka dooneyso QM waxaa ay gaareysaa Sh8.5 Bilyan oo shilinka Kenya ah, taa oo bixitaankeeda uu ku wada adkaan doono QM.

Dhinaca kale, warbixin ay soo saartay Hay’adda QM ayey ku sheegtay in Kenya ay siineyso Sh6.1Bilyan shilinka Kenya ah sanadkan,labada sano ee soo socotana lacagtaas la dhimayo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this