Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Akhriso Safaaradaha Somalia ee uu khilaafka adag ka taagan yahay magacaabidooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf adag uu ka taagan yahay magacaabida tiro Safaarado oo dib loo dhigay xili la sugaayay in Safiiro cusub loo magacaabo.

Khilaafka ka dhashay Safaaradaha ayaa u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad.

Safaaradaha ay magacaabidooda khilaafka ka taagan yahay ayaa kala ah Safaarada Somalia ee Kuwait, Sacuudiga, Masar iyo Pakistaan oo Safiirada fadhiya dib loo bedelayo, marka laga soo tago tan Sacuudiga oo aan Safiir laheyn.

Khilaafka ayaa salka ku haya awood qeybsi waxa uuna soo ifbaxay kadib markii Ra’isul wasaare Kheyre uu Wasiirka ku cadaadiyay in laba kamid ah Safaaradahaasi loo magacaabo shaqsiyaad uu isaga wato, sida aan xogta ku heleyno.

Kheyre ayaa sidoo kale doonaya in Safaarada Pakistaan aan lagu sameyn isbedel, halka Wasiir Cawad uu doonayo in isbedelka socda uu saameeyo maamulka Safaarada Pakistaan oo kol hore la hadal hayay in la bedelaayo maamulka Safaarada.

Khilaafka oo gaaray meel xun aawgii waxaa lasoo sheegayaa in si KMG ah loo sii hakiyay magacaabida Safiirada Somalia u matali lahaa Safaaradahaasi, waxaana suuragal ah in xal laga gaaro khilaafka oo u muuqda mid wax lagu saxaayo.

Sidoo kale, Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ayaa Safiirada Somalia u fadhiya Safaaradaha dibadda u maareysa hanaanka awood qeybsiga 4.5 oo ku dhisan nidaamka dalka.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa ahmiyad gaara u aragto Safaaradaha aan kor kusoo xusnay oo tan iyo xiligii burburka Somalia shaqeynaayay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this