Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgalo Saaka ka socda Magalada Marka ee gobalka shabeelada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka-[Puntland Post]Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa shalay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya halkaas oo inta badan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ka tirsan Dawladda soomaliya ee la wareegay Marka ayaa waxaa hoggaaminaya Abaanduulihii xilka laga qaaday ee Ciiddanka xoogga dalka Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood,waxana haatan la qorsheynayaa isbedelo dhinac walba ah oo laga sameeyo degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Marka ee maamulka koonfur Galbeed Cumar Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab inta badan kala wareegeen xaafadaha Magalada Marka,isla markaana aysan jirin ilaa iyo hadda goobo ay ka taliyaan.

Waxa uu sheegay in maamulku uusan aqbaleyn in maalin walba lagu dul dagaalamo Shacabka dushiisa,isla markaana isbedel dhanka Maamulka ah ay sameyn doonaan si amniga Magalada uu u noqdo mid hagaaga.

waararkii ugu danbeyey ay helayso Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaya in ay saaka dagan tahaya xaalada magaaladu  waxana jira hawlagalo ay ciidamada dawaldu ay ka wadan xafadaha Magaalada Marka.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post 

The post Hawlgalo Saaka ka socda Magalada Marka ee gobalka shabeelada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this