Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: 3 qodob oo sabab u ah in xil loo magacaabo Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman ayaa xil cusub u magacaabay Taliye kuixgeenkii hore NISA Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo dacwad ay kaga furan tahay Maxkamada.

Guddoomiye Mursal ayaa Jaamac u magacaabay la taliye sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana wareegtada magacaabidiisa ku xusneyd inuu leeyahay Khibrad iyo Waayo aragnimo.

Jaamac, ayaa xilkaasi loo magacaabay hal maalin kadib markii laga qaaday xilka, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu Jaamac u abuuray xil uu isku difaaco.

Dadka ku dhow dhow Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magacaabida Jaamac ku micneeyay arrimo dhowr ah waxa ayna badi isku raaceen in xilka cusub uu yahay mid Jaamac loogu sameynaayo awood uu ku difaacdo Naftiisa iyo Hantidiisa oo dayacmeysa haddii uu yahay xil la’aan.

Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxa uu horay usoo ahaa mid lasoo shaqeeyay Al-Shabaab qeybta Amniyaadka, halka afartii sano ee ugu danbeysay uu kasoo shaqeeyay Madaxtooyada Somalia iyo Safaarada Somalia ee dalka Turkiga oo markii danbe lagu eedeeyay inuu ka ganacsado Fiisooyinka, waxa ayna su’aashu tahay halka Jaamac uu ka keenay Khibrada iyo waayo aragnimada uu sheegay Guddoomiye Mursal inuu ku xushay si uu uga mid noqdo La-taliyayaasha sare ee Xafiiskiisa?

Illo ku dhow dhow Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa inoo xaqiijiyay in xilka cusub uu Mr Jaamac sii heyn doono muddo aan sidaa usii fogeyn, waxaana lagu wadaa in loo magacaabo xil Safaaradeed inta laga magacaabayana uu sii heyn doono xilka la-taliyenimo.

Haddaba Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa la xaqiijiyay in 3 sababood loogu magacaabay xilka la-taliyenimo kuwaa oo kala ah:-

1-In xilkaasi uu uga gaashanto dhinacyada mucaaradka ee uu ka danbeeyay weerarka lagu qaaday Hooyga ay ka degnaayen Muqdisho.

2-In xilka cusub uu kusii sugo xil kale oo la filaayo in dhawaan loo magacaabo, kaa oo noqon doona Safaarad.

3-In xilka cusub uu ku sharciyeysto sii heysashada Gaadiidka aanu xabada kari, Cabdi-bilayaasha iyo ciidamada uu kala tagay Hay’adda NISA.

Jaamac ayaa inta uu Taliye ku-xigeenka ka ahaa Hay’adda NISA magaalada Muqdisho ka geystay weeraro badan oo lagu qaaday Hooyga Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowlada, taasi oo sabab looga dhigay in looga faa’iideysan karo xil la’aanta maadaama xilkii uu hayay uu waayay, sidaana xilka la-taliyenimo loogu magacaabay.

Si kastaba ha ahaatee, jaamac ayaa xiligan loo arkaa inuu leeyahay mucaarad badan oo ka dhashay weeraradii lagu qaaday Siyaasiyiinta oo kaalin weyn uu ka qaatay abaabulkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this