Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo u ogolaaday saxiibkiis Fahad Yaasiin inuu Nabadsugida dhaco

Recommended Posts

Deeq A.   

GUUGUULAHA SIR-DOONKA: Sirdoonku ma fan baa mise waa cilmi-saynis? Maya, ee waa labadaas oo wada jira, bilowgii hore waxaa la falkiyey qaybta fanka ah ee “The art of intelligence”. Maanta oo la joogona, sir-doonku waa cilmi Saynis buuxa “Scientific and Technical Intelligence”. Dawladaha adduunku si joogta ah ayay isu basaasaan iyaga oo ilaashanaya danahooda amnni iyo kuwa dhaqaale. Farsamooyinkii hore waxaa ku soo biiray kuwo hor leh oo maanta ay tiknaloojiyaddu hormuud u tahay.

Taariikhda cusub ee Soomaaliya waxay xasuusantahay, 12 sano oo nabad sugiddu aad u xoog badnayd, xilligaas oo uu madax ka ahaa S/Guuto #Axmed_Saleebaan_Dafle oo isagu aasaasay Nabad Sugiddii Soomaaliya NSS. Nabad sugiddaasi, shishe iyo duluc bay lahayd, wixii dumey bay lahayd.

Maanta, Afarta waaxood ee sir-doonku ku hawlgalaan, midna cago fiican kuma taagnna, waxaa badan kuwa la iibsan karo ee dalkooda basaasa. Ma maqashay doodda odhanaysa, Qalbi Dhagax waxaa galaaftay xog khaldan oo madaxda qaranka la siiyey? Haddii aad maqashay! Ogow kolkaas laamaha ammaanka oo dhammi dib-u-eegid qoto dheer ayay u baahnaayeene!

Fahad_Yaasiin, nabad sugidda uma uusan iman in uu ku “fara-macaysto” – Fara macaysigu waa maxay? Waa marka qof meel dan la’aan la fadhiya loo keeno shaqo fudud oo isaga oo fadhiya uu faraha ka qaban karo, sida xadhig la soohayo oo kale – Ee waxaa loogu magacaabay in uu shaqadaas ka soo dhalaalo.

Sanadkii hore, waxaan jaanis u helay in aan muddo saddex bilood ah si iskaa-wax-u-qabso ah ula shaqeeyo qaybaha kala duwan ee ciidanka, durba waxaa ii muuqatay dhaliilo caad yaal ah oo laamaha ammaanka ku fidsan, waxanse ogaa dadaalka Madaxwaynuhu ugu jiro sidii uu dalku ku helilahaa ciidan xoog leh oo gaashaan u noqda ciidda iyo calanka Soomaaliya.

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya tan iyo maalintii uu ka tagay Axmed S. Dafle lama sheegin wiil kale oo isaga oo shaadh cad galay, misna shaadh cad kaga baxay! Waxaanse ku male waynahay ninkii labaad in uu yahay #Fahad_Yaasiin oo inta aan ka aqaanno u diyaarsan in uu hoggaamiyo sir-doonka dalkeenna. Magacaabistiisu, waxay qaydar qodaxdii kaga qadhaadhahay wadankeenna kii dhibaya, dhagartiisa kii galaya.

W/ Qoray

Abdirashid M. Hashi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wey ku qaldantahay dowladda inay u magacowdo Fahad Yaasiin wakaalada nabadsugidda. Haddee wax u dhiibeyso ha u dhiibto wasaaradda warfaafinta iyo wixii la mid ah, not nabadsugidda.

Sanadahaan u dambeeyaba dad aan u qalmin ayaa jagadaas loogu dhiibaayaa iyadoo loo raacaayo saaxiibtinimo siyaasadeysan. Maxee nabadda sugaan maba yaqaanaan meel ee ka bilaabaan ba iyo ta. Nabadsugidda ma'aha sida wasaarad caafimaad ama wasaaradda waxbarashada. Wey ka sareysaa mana haboona in sida wasaarad camal loola dhaqmo.

Nabadsugidda has changed a lot professionally in the last four years, laakiin qof ka soo bixi karo howshaas waa in la geeyaa, lana loo daayaa howshiisa, not Sanbalooshe iyo wixii la mid ah ama kuwa ka tirsanaan jiray Barbaarta in lagu aamino jagooyinka sar sare ee nabadsugidda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this