Deeq A.

Mashruucii Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Kooxo Dhaqaale Raadis Ahi Ku Hirdamayaan, Madaxtooyada Oo Joojisay Tartankii Loo Galayay Iyo Su’aal Ka Taagan Cidda La Siinayo Mashruucaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Mashruucii Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Kooxo Dhaqaale Raadis Ahi Ku Hirdamayaan, Madaxtooyada Oo Joojisay Tartankii Loo Galayay Iyo Su’aal Ka Taagan Cidda La Siinayo Mashruucaasi

biyaha.jpg

Kooxo Shirkaddo Ajaanib ah degta ku sita ayaa ku hirdamaya Hanashada Mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa,kadib markii ay Madaxtooyaddu meesha ka saartay qorshihii markii hore loo dejiyay ee tartanka loogu galayay,waxaanay su’aali ka taagan tahay Cidda Mashruucaasi hanan doonta iyo qaabka mashruucan ay Madaxtooyaddu ku bixin doonto.

Hore ayaa loo shaaciyay in Mashruucaasi tartan loo galayo waxaana codsaday shirkado door ah oo u badan kuwo ajaanib ah oo ay hoosta kaga jireen islamarkaana ay wateen dilaaliin xidhiidh la leh Madaxtooyadda,Balse waxa ay hawshii isbadeshay kadib markii uu Dhawaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysi Maxamed Cali Axmed (Daarood) uu soo saaray warqad qoraal ah oo lagaga noqday tartankaasi taasi oo uu ku socodsiiyay dhamaan shirkadihii soo codsaday Mashruucaasi waxaanu u sheegay in gabi ahaanba la joojiyay tartankaasi,isagoo shirkad kasta u celiyay Macluumaadkeedii ay kaga qayb galaysay tartanka.

Illaa iyo hadda lama garannayo qaabka loo maamulayo Mashruucaasi,cidda la siin doono iyo sida loo bixinayo, waxaana ku dul gaaf wareegaya madaxtooyadda kooxihii ee hore dilaaliinta uga ahaa shirkadahaasi hore ee ajaanibka ahaa kuwaasi oo imika qaab waji garasho ah iyo ehelnimo ah ku baadi goobaya inay mashruucaasi ku helaan. Qaar ka ah dilaaliinta ayaa weel u sii samaystay mashruucan islamarkaana Xafiisyaddii kasii furtay magaalada Hargeysa,iyagoo shaqaale iyo maasuuliyiintii ka maamuli lahaydna sii dhistay balse waxaan la ogayn halka uu mashruucaasi ku dambayn doono iyo cidda ay Madaxtooyaddda oo gacanta ugu weyn ku lehi ugaran doonto inay mashruucaasi hawshiisa la wareegto.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo dhawaan ka hadlay mashruucaasi iyo kooxan ku hirdamaya ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan aad iyo aad ugu boorinayaa maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Waad ogtihiin lacagta la inoogu deeqay ee Hargeysa Biyaha loogu samaynayo,waxa jira dilaaliin yar yar oo hadda doonaysa in Mashruucii kastaba ay dilaalaan,oo aan dadka ka naxayn,Mashruucaasi lacagtiisa waxaa bixiyay Dalka Jarmalka, Dawladda Jarmalku waa Dawladda ugu deeqda badan dhinaca Somaliland, waxay inoosoo wadaa iskuulo lagu baranayo Farsamada Gacanta “Technical Schools””.

Waxa kale oo uu yidhi: “Waxaan leeyahay halaga daayo maareeyaha Musuq Maasuqa iyo Dilaalista meeraysanaysa, waxaan leeyahay Madaxweynaha waa in bird-kaasi la samaynayo si cadaalad ah loo sameeyaa. Nin waliba waxa uu soo kaxaysanayaa Shirkad yaroo aanay aqoonteedu geedkan gaadhsiisayn, oo odhanaya lacag ayaan idin siinayaaye ii ololeeya. Dhalin yartan yar yar ee hadda Hunguriga lasoo baxday Waxaan leenahay adeerayaal Xishooda, Madaxtooyaddan aad soo dhego dhegaynaysaa joojiya ayaa idin leenahay”.

Sikasta ha noqotee, shacabka ku dhaqanka Magaalada Hargeysi waxa ay naawilayaan inay maruun helaan Biyo ay ka haqab baxaan, iyadoo maalmiihi u dambeeyay uu qiimaha foostada biyaha ahi kor dhaafay 25000-Kun Oo Shilinka Somaliland ahi. Sidoo kale waxa gacantii Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ku fashilmay mashruucii Biyo Balaadhinta Xumbo Weyn oo la doonayay in Biyo loogu soo saaro Magaaladda Hargeysa,kaasi oo lagu lunsaday Maalaayiin dollar oo Somaliland lagu Caawiyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

This corruption problem is not confined to only Somaliland, but it is a chronic problem everywhere Somalis live. There are vultures who split the donated money before it even arrives from the donors. There is nothing to hide.

The SFG government started xisaabtan and accountability program recently, but that is still in its early stages.  

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.