Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramad Midoobay oo War Kasoo Saartay Beegsiga Shabaab ay Ku Hayaan Dhaqanka iyo Ergada

Recommended Posts

Deeq A.   

War kasoo baxay Golaha Xuquuqda aadanaha ee hay’adda qaramada midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay Alshabaab sare u qaadeen dilalka ay ka geesanayaan magaalada muqdisho islamarkana in ka badan 44 qofood lagu dilay siyaabo kala duwan.

Hay’adu ayaa waxaa ay sheegtay in dadka la dilay ay u badnaayeen ergooyinkii soo doortay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyo iyadoona bishii February ee sanadkii hore la bartilmaameedsaday 29 ruux oo qeyb ka ahaa doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday.

Dhinaca kale hay’adu ayaa carabaawday in inka badan 14,000 oo kamid ahaa ergooyinkii soo dooranayay xildhibaanada ay la kulmeen handadaad oo sida la sheegay ay kala kulmayeen Xarakada Alshabaab.

Tobankun oo ruux ayaa ku geeriyooday sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan soomaaliya iyo dalka Kenya iyadoona tiro intaas kabadana ay isaga barakaceen.

Tan iyo sanadii 2011-kii dalka Kenya ayaa wajahaya dagaalo xoogan kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay usoo talaabeen soomaaliya kuwaa oo qeybka ah howlgalka midowga Africa Amisom ee dowlada kataageeraya ladagaalanka al-shabaab halkaa oo ay intii ay kusugnaayeen cidamadooda gudaha somaliya uu dalka Kenya kadhacay weeraro xoogan oo uu kamid ahaa weerarkii sanadii 2013kii lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westigate Mall iyadoona ay kugeeriyoodeen inka badan 67 qofood oo kusugnaa xaruntaasi.

PUNTLAND POST

The post Qaramad Midoobay oo War Kasoo Saartay Beegsiga Shabaab ay Ku Hayaan Dhaqanka iyo Ergada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this