Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Hirshabelle” Ha is Casilo Madaxweyne Waare”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare in uu ku guul dareeystay Hogaaminta Maamulka Hir Shabelle.

Xildhibaanadaan oo kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa dhaliilay Madaxweyne Waare.

Xildhibaadana ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Waare aanu waxba ka qaban dhibaatooyin ka taagan Hir Shabelle.

Maxamuud Siyaad Barqadle oo kamid ah Xildhibaanada Hir Shabelle ayaa sheegay in sanadka uu madaxweynaha yahay Mudane Waar aynan mooqan Waxqabad Muuqda.

Xildhibaanadka ayaa sheegay in Golaha wasiirada Hir Shabelle tan iyo markii la magacaabay aanay waxba qaban isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uu joojiyay in ay kulmadaan Xildhibaanada.

Ugu Dambeeyntii xildhibaanka ayaa ugu baaqay in Madaxweynaha uu is Casilo.

Qilaaf ayaa ka taagnaa baryihii ugu dambeeysay Maamulka Hir Shabelle.

Hoos ka Dhageyso Codka

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/08/Xildhibaan-Hir-Shabelle.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Xildhibaanada Hirshabelle” Ha is Casilo Madaxweyne Waare” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this