Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ciidamada Puntland ku arkeen deegaanka ay kala wareegen Al-Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online )-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay ciidamada Puntland ku qaaden deegaanka Af-urur oo muddo bil ku dhow ay gacanta ku hayeen al-Shabaab.

Ciidamada maamulka oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dib u qabsaday Af-urur waxaana halkaasi ka huleelay maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo heystay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland General Cabdi Axmed Xaashi oo lahadlay idaacada VOA ayaa sheegay in ciidanka Maamulka Puntland ay dib ula wareegen deegaanka Af-Urur iyagoo aney la kulmin wax iska caabin ah, waxa ayna halkaa ciidamada ku arkeen alaabo ay uga tageen Shabaabka.

General Cabdi Axmed Xaashi oo sii hadlaayey ayaa tilmaamay intii ay hawlgalka ku jireen in aysan la kulmin wax iska caabin ah, isla markaana ciidamada ay hada ku sugan yihiin jiidaha Af-Urur.

Waxa uu sheegay in sinabad ah ay deegaankaas kula wareegeen ka dib howlgal ay sameeyeen sida uu sheegay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhufeysyada ay ka baxeen Al-Shabaabka laga helay Kitaabo iyo darees ciidan oo laga cararay kuwaa oo ay goobta ka qaaden ciidamada.

Waxa ay sidoo kale halkaa uga tageen bustooyin iyo joodariyaal ay isticmaali jireen Al-Shabaabka mudada ay halkaa heysteen.

Waxa ay intaa ku dareen in bixitaankooda kadib la helay dhalinyaro iyaga u xirnaa kuwaa oo markii ay Shabaabka qabsadeen ku jiray dhismooyin ay xabsiyo kasii dhigteen.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamadii La wareegay Degaanka ayaa Wada Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan Oo lagu baadi goobaya dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-shabaab ee Maamulaye deegaanka Af-Urur ee Maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this