Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo markii ugu horeysay weerar culus ku qaaday Hoteel ku yaala G/Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay markii ugu horeysay weerar ku qaaden Hoteel ku yaala degmada Baraawe.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaadmo ah isla markaana ay maleeshiyada ku qaaden Hoteel aad u saxmad badnaa.

Maleeshiyada ayaa la tilmaamay in Hoteelka ay ku garaacen Hubka noocyadiisa kala duwan, waxa ayna dadka deegaanka sheegen inay maqlayeen rasaasta ka dhaceysay gudaha degmada Baraawe iyo hareeraha Hoteelka.

Dadka deegaanka waxa ay sheegen inaysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay weerarkaas maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

War kasoo baxay dhanka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xiliga weerarka ay Hoteelka degnaayen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Maleeshiyada waxa ay intaa raacisay in Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM ay qeyb ka degan yihiin Hoteelka oo ay ku sifeeyen mid aad u mashquul badan.

Sidoo kale, shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay ciidamo ku sugnaa Hoteelka oo xiliga weerarka uu dhacaayay tamashleynaayay.

Dhinaca kale, dowlada Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadal weerarka oo noqonaaya kii ugu horeeyay oo Shabaab ay ku qaado Hoteel ku yaala G/Sh/Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this