Deeq A. Posted August 17, 2018 Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa ay ku jirtay xaalad kacsan iyadoo ay adkaatay iney wada shaqeeyaan xubnihii loo dhiibay hoggaanka NISA. Hay`adddani waa mida ugu badan ee caalamku lacago ku bixiyaan. Wax badan ayey amnig Xamar ka badaleen muddadii ay jireen inkastoo dhinaca kalana ay dhib badan lee yihiin. Taniyo markii maamulkeeda loo mgacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen waxaa dhalatay dood ah qaabka ay u shaqeyso hay`adda sirdoonka Somalia. Dadka caasimaddu waxa ay arki jireen ciidamada NISA oo leh dhar lagu yaqaano, hub xoogan wadooyinka la taagan ,oo dadkana u sheegaya iney sirdoon yihiin, taas oo fashil badan abuurtay. Sida uu qoray Wargeyska Muqdisho Evening News , taliyaha cusub ee NISA Xuseen wuxuu soo jeediyay in la badalo guud ahaan hannaanka sirdoonka Somalia oo loo badalo qaab dharcad u badan iyo xog aruurin , oo la joojiyo ciidamadan jidadka dhooban balse arrintaas la iskuma waafaqin, oo waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan isaga iyo kuxigeenkiisa ah, sidoo kale waxaa jiray doodo ka abuurmay maamulka dhaqaalaha, hubka iyo amarrada oo is garab yaac badan uu ka jiray waxaana ay taasi keentay inuu khilaafkoodu bannaanka yimado. Xuseen oo la aaminsanaa inuu awood iyo garab buuxa ka heystay xafiiska madaxweynaha ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa, laakiin Jaamac iyo Cabadala Cabadala oo iyaguna ku tiirsanaa xafiika Ra`iisul wasaare Kheyrre ayaa isku dayay iney arrintaas ka biyo diidaan iyadoo ay doodo ka dhasheen sharciga arrintaa la xiriira. Si walbaba madaxweyne Farmaajo ayaa maanta soo afjaray dagaalkii Nisa markii uu xilalkii ka qaaday labadii kuxigeen ee Cabadala Cabdala iyo Jaamac waxaana uu soo magacaabay Fahad Yaasiin oo laga dhigay taliye kuxigeenka NISA. Hada waxaa la hadal hayaa iney NISA dhinac isu raaci doonto, waxaa loo baahan doonaa in dib loo helo ciidamo gaar ah oo fuliya howlgalada, oo sidoo kalana la tacalaali kara amniga caasimadda. Waxaa dood la galin kara qibrada Amni ee Fahad Yaasiin iyo Xuseen oo hadda ah labbada nin ee ugu sareysa sirdoonka Somalia balse dadka yaqaana Fahad Yaasiin waxey sheegeen inuu yahay nin u saldhigi kara NISA. Waxa ugu weyn ee la filanaayo waa inuu taliyaha NISA dhaqan galin doono falsafaddiisa cusub ee sirdoon ka oo aheyd mid uu ka dhaadhicin waayay kuxigeenadiisii hore, sidoo kale waxa laga cabsi qabaa iney dhacaan jilaafooyin amni oo ka yimaada NISA madaaama la isku qabsaday xukunka sirdoonka. NISA oo ciidan muhim ah u aheyd taliskii madxweyne Xasan Shiikh ayaa hada ahmiyadeedii hoos u dhacday base waxaa laga yaabaa in dib boorka looga jafo. Waxaa kaloo la hadal hayaa iney hada si fiican ugu milmi doonaan siyaasada. Tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaan NISA ay ku eedeyeen xoogaga mucaaradka ee Somalia iney NISA ku milantay siyaasadda iyadoo Soomaalidu ku heshiisay inaan ciidanka lagu lifaaqin is jiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda, taasoo haddii ay dhacdo keeni karta iska hor imaad bulsho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites