Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo dib usoo celisay dhibaato Somalia heysatay muddo 40-tan sano ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa soo saaray warbixin uu cinwaan uga dhigay (Soomaaliya iyo Baahida Siyaasad Dibadeed Fogaan-Arag ku Qotonta).

Warbixintaas oo aad u dheereyd ayaa qeyb kamid ah waxaa looga hadlay dowladda Somalia oo 40 sano kadib dib usoo celineyso dhibaato ay Soomaaliya waligeed la daala dhaceysay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta Machadka uu qoray:

Marar badan, Soomaaliya waxa ay eersanaysay, farsamo-xumadeeda xiriirka dowliga ama caalamiga ah.  Ilaa markii xorriyadda la qaatay sanadkii 1960-kii, dalka Soomaaliyeed waxa uu ku baraarugayey isaga oo ay is-xulufaysi caalami ah uu kala jiidanayo.

Dowladihii rayadka ahaa, waxay ku dadaaleen in ay si taxaddar leh ugu taag-taagsadaan xiriirada  dowliga ah oo danaysan. Sidaas oo ay tahay, waxaa jiray xaalado ay ku fashilmeen in ay xanaf-tiraan xiriirka ay la-lahaayeen dowladaha xoogga leh qaarkood, sida Ingiriiska oo ay xiriirka u jareen iyo iyaga oo faraqa ku xirtay Midowga Sofiyeeti oo ay ka quud-darraynayeen in uu ka caawiyo in Soomaalidu ay  Itoobiya cagta mariso.

Sidoo kale, saraakiishii awoodda dalka kula wareegay af-ganbiga mileteri waxay iyana ku dheceen dabinada siyaasadaha caalamiga ah ee isa-suran.

Todobaatameeyadii, xilligii uu cirka ku shareernaa Dagaalkii Qaboobaa, dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya, waxa ay si fiiro-dheeri la’aan ah marba gacan-saar ula yeelanaysey Midowga Sofiyeeti iyo NATO. Weliba xilligii ugu darnaa, markii dalka Soomaaliya isku diyaarinayey in uu dagaal uga xorreeyo dowladda Itoobiya dhulkii Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliyeed, looma arag, dal saaxiib la ah  Midowga Sofiyeeti iyo reer galbeedka midna. Xeel-dheerayaasha, ayaa u tiiriya fashilka Soomaaliya ka  raacay dagaalkaas iyo hungowgii lagala soo rogmadey, guul-darraysiga ay dowladda Soomaaliyeed ku guul-darraysatay in laba quwadood oo markaas adduunka ugu tun-buurnaa ay mid gaashaan-buursato.   Waayadaas, in waddan soo korayo uu qaado dagaal, iyada oo aan la dugsan mid ka mid ah dalalka xoogga leh, waxa ay ahayd fiiri-gaabni siyaasadeed oo fashil sababa. Dhab ahaantiina, dalka Soomaaliya aakhirkii waxa uu eeday in uu u dhaqaaqay in uu hirgeliyo siyaasad arrimo dibadeed oo aan jiho layaqaan u socon.

Haba noqoto ayaan darada Soomaaliya’e, Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykankuba, waxay labaduba u  ekaadeen kuwo dagaalkii 1977-dii ku midaysan taaageridda Itoobiya, in kasta oo go’aankooda iyo  sababaha ay u taageereenba ay kala duwanayd. Waxaa Soomaaliya intaas uga sii xanuun badnaa, in  waddamadii Carbeed ee taariikh ahaan Soomaaliya la jaalka ahaa sida Sacuudiga, Liibiya iyo Koofurta Yemen, ay dhammaantood sababo kala duwan Itoobiya u taageereen sida lagu qeexay xog ay siiddeysey Wikileaks. Dhanka kale, Itoobiya, waxay si xirfadaysan ugu guulaysatey inay ka faa’iideysato aragtigaabnida siyaasadeed ee Soomaalida, iyada oo markaas ku guulaysatey in ay Maraykan iyo Midowga Sofiyeeti u mideeyaan in Soomaaliya la maquuniyo.

Guul-darradaas ayaa badanaa loo aaneeyaa in ay sababtay hakadka galay xawaarihii Soomaaliya ku socotey ee ahaa in ay noqoto waddanka ugu awoodda badan Afrika. Taliskii miletariga ee Maxamed  Siyaad Barre, kama soo kaban jabkaas, kaas oo fududeeyey inay abuurmaan jabhado beeleedyo, badankooda ay Itoobiya xarun u ahayd.

Afartan sano kaddib, waxaad mooddaa in taariikhdu ay dib u qormayso, iyada oo saaran waddadii hore wel-welna wadata. Mar kale ayaa waddamo xoog leh u kala jiidanayaan Soomaaliya jihooyin is-weydaarsan. Sidoo kale, mar kale ayaa hannaanka ay dowladdu isugu dayday inay u furdaamiso xiriiradaas, waxay keeni karaan khatar lamid ah siriqdii horay loogu dhici jirey.

Nasiib wanaag, dalku maanta waxa uu leeyahay hay’ado qaran oo awooda in ay aragtiyo kala duwan miiska soo saaraan, kuna dhaqaaqaan habab wax toosin kara, haddii loo baahdo. In qaranka Soomaaliyeed doortay hannaan dimoqraadi ah ayaana soo dhaweyneysa in fikrado iyo aragti-wadaag la sameyn karo. Balse, in talaabo horay loo qaado waxay u baahan tahay in la helo dowlad xog-ogaal u ah khataraha ka dhalan kara aragti gaabnida siyaasadda dibadda ogna ahmiyaada ay leedahay siyaasad lagu dhan yahay, gaar ahaan dal sida Soomaaliya oo kale ah oo nidaam federaal ah doortay, dagaalana ka soo kabanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this