Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyada Jihaadka oo ku dhumaneysa SOMALIA & Deegaanada ay ku sugan tahay oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo wareedyo ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa sheegaya in Haweeneyda u dhalatay Britain ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite (Carmalada cad) ay xiligaani ku dhuumaleysaneyso Gobolka Shabellaha Hoose.

Haweeneyda Samantha Lewthwaite ayaa horay loo sheegay inay madax u tahay 200 oo haweenka ka tirsan Sirdoonka xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab, kuwaa oo kawada shaqeeya xarumaha dowlada iyo xaafadaha.

Illo wareedka aan xogtaani ka xigan oo ka tirsan Hay’adaha amaanka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Samantha Lewthwaite la xaqiijiyay inay u dhexeyso Degmooyinka Sablaale, Awdheegle iyo Tooro-toorow oo dhamaantooda ku jirta gacanta Al-Shabaab.

Samantha Lewthwaite oo midab doorsantay ayaa lagu arkay goob laga raro gaadiidka safarka oo hoostagta Degmada Awdheegle, iyadoo gaadiidka kasoo rarta halkaa ay garan ilaa Afgooye.

Saraakiisha ciidamada Xoogga iyo qeybaha Sirdoonka dowlada Somalia uga howlgala Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku howlan baadi goobka Haweeneydaasi oo adduunka laga raadinayo.

Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay in Lewthwaite ay la nooshahay koox haweenka Al-sbabaab ka tirsan, kuwaasoo ugu yeera “Hooyada Jihaadka” iyadoo la sheegay inay inta badan isku daydo inay xogo dheeraad ah ka hesho deegaannada ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Haweeneydan oo marar badan laga sheegay Gobolo kala duwan oo dalka sida Gobolada Jubbooyinka ayaa u dhexeysa Somalia iyo Kenya waxa ayna adduunka ugu safartaa qaab ganacsi, taa oo sahleysa inaanu indhaha qaban.

Sidoo kale, Samantha Lewthwaite, ayaa ah haweeney garoob ah oo qayb ka ahayd weerarkii argagaxiso ee ka dhacay London ee loo yaqaanno 7/7, iyadoo xilligaasna ahayd xubin ka mid ah sirdoonka Al-shabaab ee loo yaqaanno Amniyaadka.

Haweeneydan iminka laga sheegay G/Sh/Hoose ayaa mar udub dhexaad u noqotay sirdoonka Al-shabaab waxaa la sheeegay in ay ka dambeysay weerarro lagu dilay 400 oo qof oo ay ku jiraan 148 ruux oo lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa ka feejigan in Haweeneydan ay gudaha usoo gasho Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in dhammaan xuduudaha laga soo galo magaalada la dhigay ciidamo dheeraad ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this