Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbadalada lagu sameeyey Hey’adaha Amniga  maxay kusoo kordhin karaan amniga dalka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa is bedel ballaaran loogu sameeyay Hey’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Guud ee Madaxtooyada.

Arrimaha lama filaanka ee dhacay ayaa ahaa in Agaasimihii Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka saameynta ku leh dowladda loo magacaabay xilka Agaasime kuxigeenka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyay qalalaase ka jireen hey’adda, kaddib shaqo joojintee Kuxigeenada Hey’adda.

Wareegtada ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliye kuxigeenada Nabadsugida ee kala ahaa Cabdalla Maxamed Cabdalla iyo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaddib markii bil ka hor uu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen.

Sidoo kale arrimaha kale ee lama filaanka ahaa ayaa waxaa uu ahaa magacaabida Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo laga qaaday Jen. C/weli Jaamac Gorod oo aan xilkan heyn muddo sanad ah, waxaa lagu bedelay Jen. Daahir Aadan Cilmo Indha Qarshe oo horay xilkan u soo qabtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kaloo xilka laga qaaday Abaanduulihii Ciidanka xoogga dalka Jen, C/llaahi Caanood, waxaa lagu bedelay Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Odawaa Yuusuf Raagge oo wareegtada lagu dalacsiiyay lagana dhigay Sareeye Guuto, halka markii hore uu ahaa G/Dhexe.

Is bedelka ayaa waxaa uu sidoo kale saameeyay Taliye kuxigeenada Booliska Soomaaliyeed oo mid ka mid ah loo magacaabay qof dumar ah.

G/Sare Zakiya Xuseen Axmed oo sanado ka hor ku biirtay Ciidanimada ayaa loo magacaabay Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed, waxaa ay horay xilal uga soo qabatay CID iyo Waaxda Amniga Gobolka Banaadir.

Maxaa Amniga kusoo kordhi karo

Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawr jeer isbadalo kala duwan ku sameysay madaxda ugu sareyso hey’adaha Amniga dalka waxaana ugu dambeysay midaan Maanta xilal cusub loogu magacaabay Taliyaasha Nabadusgidda, Booliska iyo ciidamada Xoogga dalka.

Waxaa la is waydiinayaan waxa ay soo kordhin karto tallaabadaan cusub oo uu qaaday madaxweyne Farmaajo?

Prof. Xasan Nuur oo ah aqoonyahan ku takhasusay xagga Amniga ayaa aaminsan inaysan tallaabada cusub wax kusoo kordhin karin Amniga dalka isagoo ku doodayo in shakhsiyaad la magacaabo aysan waxba soo kordhin balse loo baahan yahay in wax badan laga badalo hab dhiska Ciidamada,  Tayadooda iyo Mushaaraadkooda.

Wuxuu Prof. Xasan sheegay inaysan jirin istaraatiijiyad laga baaraan dagay oo dhanka ciidamada ah taasna ay markasta keento inuu shaqadiisa ku fashilmo taliye kasta oo la magacaabo.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso xilalka amniga ee sida dhaqsiyaha ah loo kala badbadalo taas badalkeedana xoogga la saaro in la tayeeyo ciidamada isla markaasna si joogta ah loo siiyo mushaaraadkooda si ay u helaan dhiiragelin ay kula dagaalami karaan kooxda Al-Shabaab ee dalka dhibaatada ka wado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this