Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic lagu gubay Gaadiid sahay u siday AMISOM & Meydad wali yaal halka uu weerarka ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qeybo kamid ah degmadaasi lagu weeraray Gaadiid sahay u siday ciidamada AMISOM.

Gaadiidkan oo aad u badnaa ayaa lagu weeraray degaanka Golweyn ee gobolkaas, waxaana lasoo sheegayaa in lagu garaacay madaafiicda garbaha laga tuuro, halka miinooyin loogu aasay wadooyinka.

Madaafiicda lagu weeraray Gaadiidka sahayda u siday AMISOM ayaa sabab u noqday gubashada hal gaari nooca waaweyn ee sahayda siday.

Weerarka madaafiicda kadib ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa waxaa halkaa ku dhexmaray dagaal khasaaro badan ka dhashay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ku fiday degaanada miyiga ah ee degmada Buula-mareer.

Goobaha uu ka dhacay dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in lagu arkaayo meydadka ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab.

Sidoo kale, taliska AMISOM ayaa ka gaabsaday khasaaraha ka dhashay weerarka, halka Al-Shabaab ay ka sheegteen guulo.

Inta badan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa jidka u gasha gaadiidka sahayda u qaada AMISOM, kuwaa oo ay kula dhaqaaqan bililiqo.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this