Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaasaska horjoogayaal ka tirsan Shabaab oo gudaha u galay waddanka KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa dalka Kenya gudaha u galay qaar kamid ah xaasaska Horjoogayaasha Al-Shabaabka Somalia gaar ahaan qeyta ka dagaalanta Gobolada Jubbooyinka.

Xaasaskan oo wata boorsooyin waaweyn ayaa la sheegay inay gaarayaan 16 Xaas kuwaa oo galay degaanka Malindi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay uga dhuumanayaan ciidamada amaanka.

Haweenkan ayaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay kala shaqeyn doonaan amni darada qeybo kamid ah dalka Kenya, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inay fulin doonaan weeraro lidi ku ah amniga xarumo dowladeed.

Dowlada Kenya oo arrintaani walaac gaara ka muujisay ayaa sheegtay inay wado dadaalo looga hortagayo falalka amni darro oo ay wadaan Haweenkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood argagixiso ku dhex leh dalka Kenya, waxaana xusid mudan in Saldhigyo qarsoodi ah ay ku dhex leeyihiin Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Sidoo kale, Haweenkan ayaa lasoo warinayaa inay isugu jiran Soomaali iyo Kenyan u dhaxa Horjoogayaal waaweyn oo xilal muhiima ka haya Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn sida ay dowlada Kenya uga gaashaman doonto khataraha kaga imaankara Haweenkaasi Shabaabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this