Deeq A. Posted August 16, 2018 In Somalia dastuur buuxa yeelato waa waxa ugu badan oo ay dhaqaale ku bixiyaan beesha Caalamka. Dastuur arrintiisu waxaa ay taagneyd tan iyo 2004. Mar walba waxaa la dhisaa gudi dastuur, waxaa jira wasiirka dastuurka iyo hay’addo madaxbanaan oo arintaa ku howlan, malaayiin dollar ayaa lagu bixiyaa arrintan. Maxamed Yuusuf oo ah sharci yaqaan ku nool Kenya oo aad ula socda howsha dastuurka ee Somalia ayaa u sheegay MEP in lacag ka badan 300milion lagu cunay dastuurka Somalia 14kii sanno ee lasoo dhaafay. Wuxuu sheegay in lacagtaas xoogeeda ay ku dhacday akoono ay lee yihiin shaqsiyaad qaas ah. Wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in 5 ilaa 10 sanno oo kale laga yaabo in dad qaas ah ay iska biishan howsha dhameystirka dastuurka Somalia. Wuxuu ugu baaqay dowlada hada jirta iney ka dhabeyso dhameystirka dastuurka. “Waxaan hubaa in waqti kooban lagu gunaanadi karo, laakiin dad ayaa raba iney sanado badan biishan ayuu yiri sharci yaqaan Maxamed Yuusuf. Xigasho: Muqdisho Evening Post Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho. Share this post Link to post Share on other sites