Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Khayre_Faadumo_Dayib_Xamar-2.jpg?resize=Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Faadumo Dayib oo hordhac u ah wafdi ay hoggaaminayso agaasimaha arrimaha haweenka ee Qaramada Midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo Soomaaliya booqasho ku imaanaysa maalmaha soo socda.

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha u soo booqday inaan xoojinno wada-shaqeynta ka dhaxaysa Dawladda Somalia iyo Xafiiska haweenka ee QM. Aad ayaanan ugu faraxsanahay sida uu noo soo dhaweeyay uuna noogu dhiirri-geliyay shaqada haweenka ee Qaramada Midoobay,” ayay tiri Faadumo Dayib kulank kaddib.

Sidoo kale, Faadumo Dayib ayaa waxay ka mid ahayd musharraxiintii isku soo taagay xilka madaxweynaha Somalia, inkastoo xilli dambe sheegtay in ay ka baxday tartanka maadaama ay bateen musharraxiinta xilkan isku soo taagay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale kala hadlay sidii codka dumarka Soomaaliyeed iyo ka qayb-galkooda siyaasadda loo xoojin lahaa, isagoo ku dhiirri-geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha lagu horumarinayo dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dawladnimada.

Ugu dambeyn, Booqashada la filayo inay agaasimaha arrimaha haweenka ee Qaramada Midoobay ku timaaddo magaalada Muqdisho ayaa waxay qayb ka noqonaysaa tallaabooyinka ay beesha caalamku ku dhiirri-gelinayso Somalia oo ka kabanaysa sannado badan oo colaado ah.

Khayre_Faadumo_Dayib_Xamar-1.jpg?resize=

PUNTLAND POST

The post RW Khayre oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this