Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish oo lacago ku soo rogtey shirkadaha iyo ganacsatada Boosaaso iyo dilkii Maaareeye ku xigeenkii Golis oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Kooxda Daacish garabka Soomaaliya ayaa lacago kusoo rogtay ganacsatada Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta ganacsiga Maamulka Puntland.

Kooxda Daacish ayaa ganacsatada Magaalada ku amartay inay bixiyaan lacago haddii kale laga qaadi doono tallaabo adag.

Kooxdaan ayaa ganacstada ugu hanjabtay in la dili doono ciddii aan lacagtaas bixin ama ka hor timaado amarkaan iyo in sidoo kale la cuuryaamin doono ganacsigooda.

Kooxdaan oo ku dhuumaaleysta saldhigyo ku yaal Barriga Puntland ayaa waxay bilaabeen bilihii ugu dambeeyey qorshe xowli ku socda oo ay dhaqaale kaga urur-sanayaan ganacsatada iyo guud ahaan shirkadaha dagan magaalada Boosaso.

” Waxaa jirta baqdin aad u badan oo lasoo gudboonaatey ganacsatada iyo shirkadaha kuwaas oo la waydiinayo lacag xad-dhaaf ah,” sidaas waxaa Saxaafadda gudaha Puntlnad u sheegay ganacsade diiday in la magaciisa la.

Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab oo muddo ku sugan deegaanada Puntland ayaa iyadana lacago ka qaadato ganacsatada balse hadda waxaa olole xooggan wado kooxda Daacish oo aan maamul ahaan hoos tagin Al-Shabaab.

“ Al shabaab iyadu muddo ayey ka qaadaanayeen lacago ganacsata Boosaaso, uma baahna hadda iney Dad ku laayaan balse qolada ololaha cusub la soo baxdey waa Daacish, “ sidaas waxaa sheegey qof ku sugan magalada Boosaaso oo diidey magaciisa.

7 August,2018 ayaa Boosaaso waxaa lagu diley Maaareeye ku xigeenkii shirkada Isgaarsiinta Golis Cabdulahi Cali Cumar kadib markii dabley hubeysan rasaas la begsadeen isaga oo kasoo baxaya Masjid Salaada Cisho uu ku tukanayey.

Dilkaan ayaa la aaminsan yahay inay fuliyeen ururka Daacish wuxuuna salka ku hayaa arrin la xiriirta lacagaha lagu soo rogay ganacsatada.

Arrinta muujineyso inay dilkaan ka dambeyso Daacish ayaa ah:

  • Birta anteenada taleefanada Shirkadda Golis ay ku leedahay degmada Qandala ayaa waxaa damiyey Kooxda maalmihii la soo dhaafey
  • Kooxda Al-Shabaab oo sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dilka loo geystay ganacsadahaas.

Sida ilo xogogaal ah oo ka tirsan saraakiisha amniga Puntland sheegeen kooxda Daacish ayaa bil walba magaalada Boosaaso ka hesha dhaqaale gaaraya 72000 dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this