Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO: Guddoomiye DEGMO oo lagala noqday sharcigiisa dal YURUB ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Rotterdam (Caasimada) – Xog ay heshay caasimada online ayaa sheegeysa in mid ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ee qurba joogta lagala noqday dhalashadii uu ka haystay wadanka uu ka yimid.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida hantida ku haystay magaalada Rotterdam ayaa dowladda Holland kala laabatay dhalashadii, kadib markii lagu yeeshay deymo badan iyo canshuur xad dhaaf ah oo  uu ka jawaabi waayay bixintooda.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in guddoomiye Cumar oo labo sano ka hor yimid Muqdisho iyadoo aan laga war qabin, isagoo xiligaasi ahaa madaxii shirkad Gargo usoo qaadi jirtay Somalia, hase ahaatee musalaftay, waxaana xiligaasi ku qasaaray Soomaali fara badan oo alaabahooda ku xayirmay dekadda Retherdam ee dalka Holland.

Bilowgii bishaan Agoosto ayaa la hubiyay in dowladda Holland ay dhalashadii kala laabatay, kadib markii uu ka jawaabi waayay fariimaha waaxda canshuuraha ee dowladda Holland.

Mas’uuliyiinta degmooyinka Muqdisho iyo kuwa xukuumadda federaalka ayaa intooda badan haysta dhalashada wadamada Yurub iyo Ameerika, iyadoo dowladda marka ay xil u magacaabsyaana aysan hubinin taariikhdooda, balse lagu soo xulo aqoon hoose iyo qaabka 4.5 oo kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Rotterdam
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this