Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo qaar ka mid ah beelaha Soomaliyeed dul dhigtay LACAG baad ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa bilooyinkii dambe bilaabay inay qorshooyin cusub u keenaan halkii laga keeni lahaa lacagaha ay siiyaan Maleeshiyada u dagaalanto.

Al-Shabaab ayaa lasoo sheegayaa inay hadda lacago Kumanaan kun oo Dollar ku amreen inay bixiyaan qaar ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed.

Deegaanka Marya Gubaay iyo Shan Tuulo oo hoos tagto ayaa lagu amray Beelaha dagan inay bixiyaan lacago kumanaan Dollar ah oo mushaar ahaan loo siin doono Ciidamada Al-Shabaab.

Beelaha halkaas dago ayaa lagu amray inay beel kasta bixiso lacag gaareyso 30 kun oo Dollar si loo caawiyo weerarada iyo dagaalka ay ku jiraan Ururka Al-Shabaab kuwaas oo lagu laayo shacabka Soomaaliyeed.

Kulan xasaasi ah oo Al-Shabaab iyo odayaal kasoo jeedo beelahaas ku dhex maray Deegaan u dhow Degmada Baraawe ayaa looga wada hadlay qaabkii lacagahaas loo bixin lahaa iyo waxa lagu qaban doono.

Al-Shabaab ayaa odayaashaas ugu hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto haddii ay Beelahooda ka keeni waayaan lacagaha la dul dhigay oo ah Isbaaro dadban.

Saraakiisha Al-Shabaab ee kulankaas ka jeediyey khudbadaha ayaa tilmaamay in lacagahaas mushaar ahaan loogu siin doono ciidamo cusub oo ay Al-Shabaab usoo tababartay sidii ay ula dagaalami lahaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ururka Al-Shabaab ayaa awood weyn ku leh Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana weli maamulka Koonfur Galbeed u suurta geli la’ inuu ku shaqeeyo Baraawe oo Caasimad u ah maadaama ay tahay meel go’doonsan oo ay Al-Shabaab kor ka ilaashadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this