Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-warran: Halkee ayuu CC Shakuur kala qaaday madaxweyne Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo 8-dii Febraayo waxa uu la kulmay mucaaradad aad u culus oo uga timid dhinac badan oo kala dano ah.

Hase ahaatee, waxaa ugu xoogan mucaaradnimada uu ilaa iyo hadda la soo taaga yahay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa murashixiintii uu madaxweyne Farmaajo kaga adkaaday doorashadii 2017.

Mucaaradnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa gaartay heer uu khal khal amni galiyo magaalada Muqdisho taas oo keentay in dowladdu weerarto hawgii uu daganaa kaddina soo xirto.

Hadda oo uu socdaallo uu ku sheegay booqashooyinka jaaliyadaha dibedda waxa uu inta badan duraa dowladda isaga oo waliba si gaar ah u bartilmaameedsada Farmaajo oo aan ka hadal xukumadda ama waaxaha kale ee dowladda.

Hadaba, halkee ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kala qaaday Madaxweyne Farmaajo?

Su’aashan kore ah mid si weyn uga dhex guuxda maskaxda dadka daneena siyaasadda Soomaaliya iyo waliba shacabka guud ahaan balse xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa uga jawaabi doonnaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga saaray liiska golaha wasiirada kaddib markii uu ku soo daray R/W Kheyre

Kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ra’iisul Wasaare u doortay Xassan Cali Kheyre 23-kii Febaaro 2017, Kheyre waxa uu bilaabay qorshihii uu ku sii dhisi lahaa golihiisa wasiirada.

R/W Kheyre markii ugu horreeysay ee uu isku aadiyo xubnihiisa golaha wasiirada (His first Draft) waxaa ka soo muuqday Cabdiramaan Cabdishakuur oo uu ka dhigay wasiirka arrimaha gudaha.

R/W Kheyre waxa uu ku wargaliyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur in uu u magacaabay wasaaraddaas taas oo uu soo dhaweeyey balse waxa uu u sheegay in magacaabistaas Farmaajo ka aqbali doonin.

Hase ahaatee, waxaa dhacday arintii uu ka baqayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaana laga reebay liiskii dambe ee rasmiga ahaa iyada oo laga doortay Yusuf Garaad Cumar oo noqday wasiirka arrimaha dibadda.

Xogtan hoose  waxa ay Caasimadda ka heshay shaqsi ka tirsanaa dhallinyarada baraha bulshada kala shaqeeya siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aynaan sababo jira awgeed u xusi karin magaciisa.

Wixii intaa ka dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu galka kala baxay seeftiisa isaga oo u soo ban baxay mucaaradda madaxweyne Farmaajo oo kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this