Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Jubbaland oo Garoonka Kismaayo ka celisay mas’uul cusub oo ay magacawday DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada Garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ay is hortaag ku sameeyen mas’uul ay DFS u magacawday Taliyaha NISA ee Jubbooyinka.

Ciidamada maamulka ayaa la sheegay in gudaha Garoonka ay ku xanibeen Cali Mire oo iminka loo magacaabay taliyaha cusub ee NISA.

Ciidamada maamulka ayaa taliyaha cusub u diiday inuu gudaha u galo magaalada, waxaana lasoo sheegayaa in amarka loogu diiday galitanka magaalada uu kasoo baxay madaxtooyada maamulka ee Kismaayo.

TALIYAHA-720x430.jpg

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa laga soo xigtay in Cali Mire maalinta beri ah dib loogu soo celin doono magaalada Muqdsiho oo uu markii hore  ka baxay.

Maamulka Jubaland ayaa horey u diiday in magalada Kismaayo uu galo taliyihii xooga ee maamulkooda loo magacaabay iyadoo ugu dambeyn ka dagay Baardheere oo uu xarun ka sameystay.

Geesta kale, maamulka ayaa celinta Taliyaha cusub NISA ee Jubbooyinka u cuskaday la tashi la’aan waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Axmed Madoobe uu xilkaasi la doonaayo keliya reerkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this