Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda gacanta ku dhigay maleeshiyo ka tirsan Shabaab oo weerar kusoo qaaday (Akhriso tiradooda)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidammo ka tirsan Guutada qeybta 12-ka April ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Bar Koontarool  ku leh deegaanka Calamada ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan Al-shabaab, ciidanka ayaa gacanta ku dhigay shanta nin oo uu ka mid ah dhaawac yahay.

Sidoo kale ciidanka waxa ay qabsadeen gaarigii raggaas ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Baabuur Safar ah.

Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay inay heleen xog ku saabsan Maleeshiyo dooneysay inay Weerar kusoo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii Argagaxisada ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Gaadiid Safar ah.

Sidoo kale Sarkaalka ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho loo soo qaaday 5-ta Argagaxiso ee ay kooxda Al-shabaab ka qabteen iyagoo nool.

Al-Shabaab dhankooda kama hadlin warka ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee ku aadan in la qabtay Shan ka tirsan,kuwaas oo weeraray Xarun Ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this