Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dal uusan wali u socdaalin (Qorshaha)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo fool leh uu u ambabaxo dalka Shiinaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Shiinaha, waxa ayna casuumaadan qeyb ka tahay casuumadaha kale ee uu ka helo dowladaha saaxiibada la ah Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka uu gaaro dalkaasi la kulmi doona dhigiisa iyo madaxda kale, waxaana lasoo sheegaya in mas’uuliyiinta wehlin doonta ay u badnaan doonaan Wasiir.

Waxa uu Farmaajo inta uu dalkaasi joogo ka qeybgali doonaa shir Madaxda Africa uga furmaayo dalkaasi kaa oo looga hadli doono hormarinta ganacsi ee Africa.

Waxa ay si gaara Shiinaha uga wada hadli doonaan xiriirka labada dal, Ganacsiga, Siyaasada, Ammaanka, iyadoo ay horay u jireen heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal.

Booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Shiinaha ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu ku tago dalkaasi, isagoo horay u booqday dalal kale oo dhowr ah isla markaana heshiisyo ganacsi kala dhexeeya Somalia.

Geesta kale, Shiinaha ayaa Somalia horay ugu ballanqaaday inuu waxbadan ka qaban doono burburka waddooyin iyo dhismooyin waaweyn ah isla markaana muhiim u ah dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this