Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dastuurka dalka oo laga saarayo qodobada halis ku ah awooda dowlada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Somalia ayaa dib u habeyn ku sameyneysa  Dastuurka dalka oo la sheegay inuu yahay mid aan dhameystirneen.

Sixitaanka Dastuurka ayaa waxaa gacanta kula jira gudiyo dhinacyo badan ka socda oo Wasaarada Dastuurka dalka kala shaqeynaaya sida loo baabi’in lahaa qodobada caqabada ku ah dalka ee ku jira Dastuurka.

Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay qodobo dhowr ah oo la sheegay inay iska horgeynayaan dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyada dalka kuwaa oo ay Dastuurka ku dartay dowladii hore.

Guddiga oo la faray inay hagaajiyan Dastuurka ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia la wadaagay qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka kuwaa oo horseed u ah khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya DFS iyo maamulada.

Wasaarada Dastuurka Somalia iyo Guddiyada u xilsaaran sixitaanka Dastuurka oo ka duulaya  qodobada khaldan ee ku jira Dastuurka ayaa la sheegay in tirada qodobo ah ay u gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda kale ee dalka si looga saaro Dastuurka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isku raacay inay muhiim tahay in Dastuurka laga saxo qodobada Khilaafyada abuura maadaama aan la ogeyn inta uu KMG sii ahaan doono.

Waxa ay sheegen inay muhiim tahay Dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista, iyaga oo gudiyada ku adkeeyay in xal kama danbeyn ah loo helo qodobada khilaafka dhaliyay.

Qodobada la doonaayo in laga saaro Dastuurka ayaa ka hor imaanaya awooda dowlada Somalia, iyadoo awood gaara siinaaya maamul Goboleedyada ka jira dalka isla markaana hoostaga dowlada.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta qeybta ka ah guddiga ayaa sheegay in leysku raacay in qodobada qaar laga saaro Dastuurka si dowlada Somalia ay u noqoto mid Dastuur ahaan ku sareysa.

Sidoo kale, Qodobada hadda ku jira Dastuurka ayaa inta badan muran iyo khilaaf Siyaasadeed ka dhex abuura dowlada Somalia iyo maamulada, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay in dowladii hore ay wax ka bedeshay dastuurka.

Talaabada qodobada looga saarayo Dastuurka dalka ayaa ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan dowlada Somalia ay khilaaf iyo is hortaag kala kulanto maamulada oo iyagu aan tixgalin siin dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this