Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Somaali galbeed & Oromada ma dagaal isir Mise dagaal wakaaladeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online)-Dadka Somaaliyeed ee deegaanka Somaali-galbeed waxa ay taariikh dheer ku leeyihiin Qowmiyadaha dega Geeska Afrika sida; halgankii Diinta Islaamka, kii Gobanima-doonka iyo dhismihii dawladihii ka hana qaaday Geeska Afrika 5 tii Qarni ee lasoo dhaafay, waxaana lagu yaqaanaa; Somaali-ku faan, Gumaysi-diid, Dagaalyahan-nimo, Hal-abuur, Qab iyo Isla-wayni iwm.

Nasiib daro Qarnigii 20 aad markii uu baxay Gumaysigii reer Galbeedka waxaa u bedelay Gumaysi AMXAARO & TEGREE oo isu daba maray kana dilay Qiyamkii, Qabkii, Somaali-nimadii iyo Midnimadii, una adeegsaday wax kasta oo lagu Gumayn-karo sida;

1-Gobalka oo lagu magacaabay magac Qabiil (Ogaden) si beelaha kale loo dareen-siiyo in aysan talo iyo awood ku laheen.

2-Waxaa loo kala qeybiyey Qabiil-Qabiil iyo Deegaan-Deegaan, halka Qowmiyadaha kale ee Ethiopia ay Mid-Mid yihiin (Qeybi oo Xukun).

3-Waxaa loo diiday in ay Talada iyo Go’aanada dawladda dhexe wax ku yeeshaan, kana mid noqdaan Isbahaysiga EPRDF.

4-Waxaa Madax looga dhigay kuwii dadka ugu liitay uguna damiir xumaa oo dadkoodii Gun ka dhigay, Gobalkoodina ka dhigay xarumo Ciidamada Fedaraalku degaan kuna Ciaabaan ama ku Dilaan ciddii ay rabaan sida uu qiray Madaxweynihii hore ee Gobalka “in ciidankii Tegreegu ku qasbeen Ciqaabta dadkiisa”.

5-Waxaa Gobalka loo sameeyay Maleeshiyaad aan laheen Sharci iyo Asluub qabata oo dilay ama duleeyay qof kasta oo wax-gal ahaa, Somaalina ahaa (Liyu Police).

6-Waxaa denbiile-yaal iyo Arga-gaxiso laga dhigay Wiilashoodii shalay ahaa Mujaahidiin Gobanima-doon ah, laguna amray in mid kasta iyo qoyskiisa lagu Ciqaabo ama lagu Toogto hortooda (ONLF).

7-Waxaa lagu diray oo cadaawad iyo Karaahiyo la dhex-dhigay Walaalahooda degan Jamhuuriyada oo lagu eedeeyay in ay sabab u ahaayeen dib u dhaca iyo dagaalada ka dhacay Gobalka, loona soo dhaweyn karin qaraaba-nimo, halka Gobalka NFD ee Kenya uu soo dhaweeyay Walaalahood Jamhuuriyadda, dagaaladii Sokeeye kadib.

8-Waxaa lagu amray Maamulkii Gobalka in uu Taageero, Xaruna u noqdo Maamul-gobaleedyada Somaaliya, si uu uga qeyb-qaato kala qaybinta, kala goo-goonta iyo colaad ka hurinta Jamhuuriyada Somaaliya.

 

9-2017 markii uu xoogaystay kacdoonkii OROMADA ee ka dhanka ahaa Rajiimkii TEGREEGA Somaalida waxaa loo adeegsaday in lagu jebiyo kacdoonka Oromada, waxaana la dhex-dhigay Fitnada Qabiilka, Qowmiyada iyo Deegaanka ee ilaa maanta socota.

10-Isbedelkii Siyaasadda Ethiopia ee sanadkan waxa uu abuuray rajo ah; in Qowmiyadaha Ethiopia ay ka xoroobi karaan Gumaysigii haystay 5 ta Qarni ee Amxaarada iyo Tegreega, lkn qaar ka mid ah Qowmiyada Somaalida ayaa weli raba in ay u shaqeeyaan Rajiimkii dhacay ee Tegreega.

Hadaba dagaalka Somasli-galbeed iyo Oramada waxaa lagu sheegay in uu ka dhashay; khilaaf dhul deegan ama Shidaal laga helay Gobalka ama Beeshii haysatay maamulkii hore oo ka baqeysa in Maamulka laga wareejiyo loona qabsado tacadiyadii dhacay xilligii Tegreega!
Laakin waxaa muuqda in labada Qowmiyadood ay Wakiil uga yihiin dagaalkooda Rajiimkii Tegreega oo raba in uu kusoo laabto Xukunka Ethiopia ama ay kala go’go’do (الحرب بالوكالة)
(الفتنة نائمة لعن الله من ايقظها).

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this