Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil iyo shaqaale qeyb ka ahaa dhismaha darbiga Kenya oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaara dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay qaar kamid ah Saraakiisha ku howlan dhismaha darbiga kala beyra xadka Somalia iyo Kenya.

Saraakiisa laamaha amaanka ee ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari kenya ayaa sheegay in Saraakiishaasi oo ahaa Seddex lagu dilay weerar u muuqday mid laga soo shaqeeyay.

Paul Kemei oo ah Gudoomiyaha ku-xigeenka dhanka amniga ee bariga mandera ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid niyad jabiyay Saraakiisha iyo shaqaalaha kale ee ku howlan dhismaha darbiga.

Xiliga la dilaayay shaqaalahaani ayaa kusii socday howlahooda shaqo waxaana gaariga ay wateen lala beegsaday qarax sida uu sheegay sargaalkan taasi oo keentay in sadex ruux ay ku geeriyoodaan.

Shaqaalaha kale ee ku dhaawacmay qaraxan ayaa waxaa la dhigay isbitaalka magaalada Mandera sida uu sheegay Mr Kemei.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha ayaa tibaaxay in qaraxan xilli hore ay dagaal yahano ka tirsan ururka al shabab ku aaseen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this