Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo 48 saac gudahood weerar culus ka geysan rabto Jidka Makka Al-Mukarama ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa cabsi xoogan laga qabaa in maleeshiyada Al-Shabaab ay weeraro xoogan ka geystaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Cabsida ugu badan ayaa timaaday kadib markii hey’adaha UN-ka u qaabilsan amaanka ee Xalane ku sugan ay soo saareyn digniin ku aadan inay Al-Shabaab weerar culus ka geysan rabto Magaalada Muqdisho gaar ahaan jidka Makka Al-Mukarama.

Digniinta kasoo baxday UN-ka ayaa loo kala diray shaqaalaha u shaqeeyo ee Xamar ku sugan iyadoo loo sheegay inay Shabaab weeraro culus geysan rabaan.

Warbixinta digniinta ee soo baxday ayaa lagu sheegay in weerarka laga geysan rabo Makka Al-Mukarama iyadoo la xusay inaan si rasmi ah loo ogeyn bartilmaameedka uu ku wajahan yahay.

UN-ka ayaa sheegay inay warbixintaan ka heleen illo wareed isla markaasna waxay sheegeyn inaan saacad iyo waqti rasmi ah la ogeyn balse uu dhici doono weerarkaas inta u dhaxeyso 24 – 48 saac.

Shaqaalaha Ajnabiga ah iyo kuwa Soomaalida ee UN-ka u shaqeeyo ayaa looga digayey inay goobahaas u dhawaadaan.

Maahan markii ugu horeysay oo ay Saraakiisha Amniga UN-ka soo saaraan digniino amni waxayna inta badan noqdaan kuwa aan u dhicin sida ay u sheegeen halka mararka qaar aysan waxba dhicin.

Qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab ka geysteen Soomaaliya ayaan inta badan laga warhelin waqtiga iyo meesha lala beegsanayo maadaama ay heystaan sirdoon aad u tababaran.

Saraakiisha Amniga UN-ka ayaa horey u sheegay inay Shabaab weerar kusoo qaadi rabaan Xarunta Xalane isla markaasna loo adeegsan doono qaar kamid ah Baabuurta Gaashaaman ee AMISOM kuwaas oo looga furtay dagaalo culus oo ka dhacay saldhigyo ay AMISOM ku leedahay Gobolada dalka.

Ma cada sida uu xaalku noqon doono waxa ayna digniintaani hadal heynteedu tahay mid taala goobaha aadka u mashquulka badan.

Al-Shabaab ayaa weerarkii ugu dambeeyey oo ay Muqdisho ka sameeyaan ka fuliyeen agagaarka Madaxtooyada wuxuuna weerarkaas isugu jiro ismiidaamin iyo rasaas toos ah.

Halkaan hoose ka akhriso Digniinta kasoo baxday UN-ka

 

39063198_328543114550779_839990661584676 39053802_2047265241984606_69422249521541

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this