Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsan W. Maaliyadda oo loo heysto musuq maasuq oo Maanta kasoo muuqanayo Maxkamad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) –Mas’uul ka tirsan Wasaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xiray arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa, iyadoo uu dadaal loogu jiro in damaanad looga sii daayo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/8/2018-ka,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsi dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud.

maxkamada-640x360.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa sheegay in eedeysanahan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya qeybta qandaraasyada loo heysto arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay kula dagaalameyso arrimaha masuq maasuqa iyo ku takri falka Hantida Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this