Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo laga helaayo Safaarada Imaaraadka carabta ee magaalada MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar madax-banaan ayaa sheegaya in madaxtooyada Somalia ay dib u fasaxday shaqooyinkii ka socday Safaarada Imaaraadka carabta ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayan in Safiirka dowladda isu taga Imaaraadka Carabta ee Somalia Maxamed Axmed Cismaan Al Xamaadi uu ka shaqo bilaabay safaarada, kadib markii laga dulqaaday xayiraad muddo kooban saarneyd.

Diplumaasiyiinta Imaaraadka ee ka howlgali jiray Safaarada ayaa iyaguna la sheegay inay dib usoo shaqo galeen inkastoo ay ka yaryihiin tiradii hore.

Shaqooyinka Safaarada oo xiligaan aad u kooban ayaa waxaa laga soo saarin fiisooyinka, waxaana xusid mudan in howlaha ka socda ay yihiin kuwo aan sidaa usii weyneen.

Mid kamid ah howlwadeenada Safaarada ayaa inoo xaqiijiyay in Safiir Al Xamaadi uu wakhtigiisa inta badan ku dhameysto socdaal dibadda ah, taasi oo muujineysa in shaqooyinkii hore aysan ka dhex socon Safaarada.

Sidoo kale, waxa uu howlwadeenkan tilmaamay in Safaarada ay xiligaani tahay mid magac u yaal ah oo aan qumaati u shaqeyn maadaama uu wali jiro khilaaf Siyaasadeed u dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Docda kale, Safaarada Somalia ee dalka isu taga imaaraadka ayaa wali saameyn khilaafka labada dal waxaana si qumaati ah u socda shaqada Safaarada Somalia ee dalkaasi maadaama halkaasi ay ku sugan yihiin ganacsato badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this