Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo sanadkii 2aad amar fulintiisu adag tahay duldhigay Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre oo magaalada Muqdisho uga qeybgalaayay munaasabda ayaa amar ku bixiyay in la daryeelo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inuusan maqli karin dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka cabanaaya xarumaha Dowlada, gaar ahaan mas’uuliyiinta xilka ku haya madaxa dhalinyarada.

Kheyre waxa uu sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in la qanciyo dhalinyarada Soomaaliyeed waxa uuna cadeeyay in mas’uul waliba lagula xisaabtami doono sida uu ula dhaqmo shacabka.

Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo ku sugnaa munaasabada xuska maalinta dhallinyarada aduunka Agoosto 12 ayaa ku amray in uu codsiyada shaqo ka qabto Kun dhalliyaro Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in laga doonaayo inuu shaqaaleysiiyo 1,000-ka dhalinyaro, isagoo faray in laga doonaayo inuuu si cadaalad ah ugu qeybiyo shaqooyinka.

“Guddoomiyaha Gobolka oo i horjooga waxaan farayaa inuu shaqaaleysiiyo Kun dhalinyaro waxaan waliba ku adkeynayaa inaanu baalmarin cadaalada oo si siman uu dhalinyarada u shaqaaleysiiyo”

“Sannadkii hore waxa aan shaqaalaysiinnay 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo Kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah uguna qaybi si caddaalad ah”.

Ra’isul wasaare Xasan Cali ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadda shaqo ee xiligan loo ballanqaaday.

Sidoo kale, waxaa adkaan kara in Guddoomiyaha Gobolka uu mar qura shaqaaleysiiyo Kun dhalinyaro oo miisaaniyad gaara ku baxeysa.

Geesta kale, Khayre ayaa sheegay in xilliga ugu wanaagsan ee uu leeyahay qofka bini’aadamka ah uuna samayn karo Raasumaal qarannimo iyo mid qofeed uu yahay xilliga uu dhallinyaryahay, waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii dhaliyay Xornimada in ay ka midaysanyihiin in mar waliba yihiin in rajada kaliya ee ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this