Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay qaabka keliya ee Soomaaliyadii hore lagu…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in Somalia ay kasoo kabaneyso dhibaatooyinkii hore oo ay soo martay.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo Soomaaliyadii hore iyo tan iminka jirta, isagoo tusaale usoo qaatay kala danbeyntii hore iyo mida hadda jirta.

Waxa uu tilmaamay in Somalia ay adkaan karto inay ku laabato halkii ay horay u taagneed, waxa uuna cadeeyay keliya in Somalia ay booskeedi hore ku laaban karto xiliga la helo dhalinyaro buuxisa booska SYL.

“Somalia waxa ay booskeedii hore dib ugu laaban kartaa marka aanu helno dhalinyaro buuxin karta booskii ay naga faarujiyeen SYL”

“Somalia markii la eego sanadihii aan soo dhaafnay iyo hadda farqi ayaa u dhexeeya balse ma aanu gaarin halkii aynu rabnay”

Madaxweynuhu waxa uu hadalkan ka sheegay kulan uu Xarunta Villa Somalia kula qaatay dhalinyaro badan oo uu ka xog wareysanaayay xaalada dalka iyo tabashooyinkooda.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in umad dhan laga dhexwaayo dhalinyaro buuxisa booskii SYL, waxa uuna ku guubaabiyay dhalinyarada inay la imaadan dhabar adeeg.

Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada hadda jirta ay ahmiyad gaara siiso dhalinta Soomalaiyeed qeybahooda kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this